Calendar

RW Soomaaliya oo ka warbixiyey burcad badeed lasoo daayay [SAWIRO]

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku soo bandhigay sadex nin oo ay burcad badeed afduub u haysteen in ka badan labo sanadood, sadexda nin ayaa u dhashay dalka Siiriya waxaana la kala yiraahdaa Ridwaad Khaalid Daaha, Mu’ayid Hani Weliyow iyo Yahye Cali Cabsi.

Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka warbixinaya qaabka loo soo daayey iyo dareenkiisa ayaa yiri.

“Aad waxaan ugu faraxsanahay in ay dib u helaan xorriyadooda, runtii si aan waafaqsanayn shuruucda caalamka iyo xuquuda bini’aadamka ayaa xorriyadooda looga haystay muddo ka badan labo sanadood, kadib markii la afduubtay iyagoo la socday markab la yiraahdo Orna oo ay wateen bishii December, 2010-kii, waa nasiib daro mana jirto wax sharaxaad ah oo laga bixin karo sidii ay u waayeen xoriyadooda, shacabka Soomaaliyeedna waa ka tacsiyeeynayaan in muddo intaas le’eg la haysto dad aan waxba galabsan, Waxaan halkaan uga soo jeedinayaa mahad naq balaaran maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay nala jooggaan qaar ka mid ah masuuliyiintooda oo xil iska saaray sidii la haystayaashaan u dhashay dalka Siiriya ay dib ugu heli lahaayeen xoriyadooda mana jiraan wax madax furasha ah oo laga bixiyey siidayntooda”

Dhankakale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay sida ay dadka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin dowladooda cusub una garab taagayn yihiin.

“Tani waxay markhaati ka tahay sida ay ugu kalsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed dowladda cusub oo muddada gaaban jirtay, waxaana muuqata sida Burcad badeedku u qaateen baaqa dowaldda oo ahaa in dadka ku howlan burcad badeednimada ay faraha kala baxaan, sidoo kale dowladu waxay balan qaadaysaa inta ay jooggaan muwaadiniintaan u dhashay dalka Siiriya magaalada Muqdisho in ay dowladu bixinayso kharashkooda, ayna damaanad qaadayso amnigooda, sida ugu dhaqsaha badana dowladdu ugu diyaarinayso tikidhadii ay ku aadi lahaayeen dalkoodii, arinkaasna wuxuu ka turjumayaa dhaqanka wanaagsan ee Islaamka, Waana ka xunahay wixii gaaray mana ahayn go’aan dad Soomaaliyeed ay gareen ee waa arin ay ku dhaqaaqeen dhalinyaro caadaystay burcad badeednimo”

Sidoo kale Ridwan Khaalid Daaha oo ka mid ahaa ragga loo haystay afduubka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxanyahay in ay dib u helaan xorriyadooda, isagoona u mahadceliyey dowladda Soomaaliya sida wanaagsan oo ay gacanta uga geysatay siidayntooda iyagoon bixin wax madax furasho ah.

Arritaan ayaa ku soo beegantay iyadoo Burcad badeed gaaraysa 100 ay ka tanaasuleen falalkii xumaa ee ay gacanta kula jireen muddooyinkii u danbeeyey, isla markaana maalmo ka hor lasii daayey saddex nin oo u kala dhashay waddamada Siiriya iyo Sirilaanka, kadib markii ay isku howshay sii dayntooda dowladda Soomaaliya.

—-Dhamaad—-

[slidepress gallery='rw-soomaaliya-oo-ka-warbixiyey-burcad-badeed-lasoo-daayay']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: