read more »">
Calendar

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono UK

Shir ay iskugu yimadeen xukuumadda Soomaaliya, waxa ay ku magacaabeen safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiisan doono dalka Britian.

Sida uu saxafada u sheegay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Ibrahim Yarow Isaaq, golaha wasiiradda ayaa isku raacay in safiirka cusub loo magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalolshe.

Waa markii ugu horeysay ee dowlad Soomaaliyeed safiir u magacaabato magaladda LOndon tan iyo burburkii xukuumadii Maxamed Siyaad barre ee 22-sano ka hor.

Cabdullahi Sambalolshe, horey waxa uu uga soo mid noqday xukuumadii Cumar Cabdi Rashiid Sharmaarke uu hogaamin jirey uu ka ahaa wasiirka amniga.

Mudadii ay ka jireen dagaladda sokeeye Soomaaliya, waxa uu la shaqeynayay hey’ado badan oo aan dowli aheen kuwaas oo ka howl galayay dalka Soomaaliya.

Safiirka cusub, muddadii lasoo dhaafey ee sanad gaareysay waxa uu daganaa magalada London halkaas oo uu wax barashane uu ku sameynayay.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtey in magacaabista safiirka cusub ee u fadhiisan doono London ay wax badan kusoo kordhin doonto xiriirka labadda dal iyo hana qaadka siyaasadda dibadda ee dalka uu yeelanayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: