Calendar

Sagaal Ruux oo Ka Mid Ahaa Xildhibaanadii Horey Loogu Diiday Baarlamaanka oo Goordhow Si Rasmi ah Loogu Ogolaaday

brlmWaxaa goordhow xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho loo ogolaaday inay galaan sagaal xildhibaan oo ka mid ahaa raggii horey loogu diiday ka mid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya. Waxayna isugu jiraan 7 rag iyo 2 dumar ah.
Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa goordhow sheegay in sagaalka xildhibaan loo fasaxay inay ka mid noqdaan si buuxda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya loona sameyn doono aqoonsiga xildhibaanimo.
Magacyada sagaalka xubnood dib ayaan ka soo gudbin doonaa.
Dhanka kale waxaa hadda dib u bilawday khudbadihii wareegii labaad ee musharaxiinta u tartameysa jagada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo saaka ay hadleen illaa shan musharax halka 10 kalana ay harsan yihiin.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: