Calendar

Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Soomaalida ku nool Xuduuda Hiiraan & Itoobiya oo wada hadal yeeshay

Beledweyn — Kulan maanta iskugu yimaadeen saraakiil ethiopia ah iyo Odoyal iyo wax garad ku dhaqan tuulooyin ku yaalla xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Ethiopia dhinaca G/hiiraan ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah.
 
Kulankan oo bilowday saaka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka cows oo u dhow xadka Gobolka islamarkaasina ay kasoo qeyb galeen in kabadan labaatan wax garad oo deegaanadaasi ku dhaqan iyo sarakiil katirsan Ciidanka Ethioiya ee ilaalinaya dhinaca xadkooda ayaa waxaa looga hadalay arimo ay ka mid tahay daganaashaha deegaandaasi iyo sidii lays kaga kaashan lahaa labada dhinac wixii dhalinayo amaan daro ka dhalata dhulkaasi.
 
Saraakiisha Ciidanka Ethioiya ee kulankan kasoo qeyb galay ayaa Odoyaasha iyo wax gardka u soo bandhigay in ay maqleen in Ciidamo lagu aruurinayo deegaano ku dhow xadka labada dal sidaasi daraadeedna loobaahan yahay hadii aysan lug kulayn arintaasi in ay ka qeyb qataan sidii looga hortagi lahaa in layska difaaco.
 
Xubno u hadlay Odoyaasha ayaa waxa ay u sheegeen saraakiisha Ciidanka in marka hore aysan wax lug ah klahayn arintaasi islamarkaasina ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan wixii dhibaato u keeni karo dadka deegaanadaasi.
 
Nabadoon Xasan Cali oo kusaugan deegaanka Cows oo kamid ahaa dadkii ka qeyb galay shirkaasi oo aan xiriir lasameeyay ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan wixii ay isla,sooqaadeen Ethiopoiyanka lasyku afgartay dhamaan dadkii kasoo qeyb galay.
 
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay saraakiisha Ciidanka Ethioiya ee ilaaliya xadkooda kadib markii ay ka war heleen in weeraro kaga yimaado kooxaha ka dagaalo somaaliya lagu maleegayo deegaano ku yaallo meel udhow iyaga.
 
Kulankan maanta ay yeesheen Odoyaasha iyo saraakiisha Ciidanka Ethioiya ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan ay siidaayeen Odoyaal u xirnaa mudo ka badan labo bilood kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in caruurtooda iyo dad ehel la,ah ay ka dagaalamaan soomaaliya ioy ethiopiya.

Ibrahim Muxumed
Bartamaha Beledweyn

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: