Calendar

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Jamhuuriyaha Soomaaliya oo sheegay inay ku laabanayaan degmada Mahadaay

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay inay dib ugu laaban doonaan degmada Mahadaay oo maalin ka hor ay ka soo noqdeen, kadib markii ay gaareen ciidamada, iyagoo cadeeyay in ay diyaarsan yihiin ciidamada gaari lahaa deegaanada kale ee gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Taliyaha Gaaska koowaad ee ciidamada xooga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay qaadi doonaan howl gal labaad oo xigi doona howl galkii koowaad ay Jowhar ku qabteen.

“Waxaa xigi doona howl gal labaad oo aan Jowhar uga talaabeyno, deegaanada kale ee Shabellaha Dhexe ayaynu sii gaari doonaa, maalintii aan qabanay Jowhar, Mahadaay iyo Buurane ayaa tagnay, waxay aheyd inaan cadawga sii fogeyno”ayuu yiri Jen. Caanood.

Sidoo kale Jen. Caanood ayaa tilmaamay in qorshaha labaad uu yahay sidii wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay ammaankeeda u sugi lahaayeen, isla markaana aanay u suura gelin in Al-Shabaab jidka u galaan kolonyada ciidamada.

“waxaan diyaarinay ciidamadii sugi lahaa jidkaas, waxaan ciidamo dhignay Congo, Qalimow iyo Garsaale, meelahaas oo dhana ciidamada baa heegan ku ahaanaya, si aanay jidka u gelin”ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa qidadooda dagaal u bedelay weeraro dhaba gal ah iyo ku dhufo ka dhaqaaq, iyadoo weeraro dhowr ah ay ka fuliyeen deegaanada Shabellaha Hoose, halkaasoo jidka ugu galeen gawaari wasiiro iyo saraakiil ciidan la socdeen.

 

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: