Published On: Fri, Sep 2nd, 2011

SAWIRO: ISKOOLKII BARTAMAHA SARE

Share This
Tags

B00Ma ogtahay Bartamaha.com in magaciisu uu ka yimid Iskoolkii caanka ahaa ee Dugsiga sare ee Bartamaha?, Mase ogtahay in sababta loo go’aansaday in loo bixiyo magacaas uu ahaa kadib markii aasaasaha shabakadan uu arkay shabakadaha Soomaalida intooda badan inay leeyihiin magacyo magaalooyin kuwaasoo ka turjumaya dadka iska leh webkaas meesha ay kasoo jeedaan.

Haddaba wax badan ayaad timid Bartamaha.com laakiin weligiin ma aragteen gudaha Iskoolka Bartamaha.

Bartamaha ayaa ahaa iskool aad u fac weyn kana mid ahaa Iskoolada magaalada Xamar kuwa ugu caansan uguna qurux badan, Iskoolkan ayaa ku yaalay Bartamaha magaalada Xamar kana soo horjeeday Wasaaraddii waxbarashada, wuxuuna aad ugu dhowaa Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta, Hotel Jubba iyo bartilmaameedyo caan ku ahaa magaalo madaxda Soomaaliya.

Hoos ka daawada Sawirada aan idiin soo qaadnay. (Dhallintii dhigan jirtay Iskoolkan oo wax badani ay ugu dambaysay waxaan idin leenahay ha murugoonina ee soo xasuusta waagaas waxaad samaynayseen iyo saaxiibadaad ku lahaydeen Iskoolka)

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

Displaying 18 Comments
Have Your Say
  1. Yonis Shalamar says:

    Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib u arko iskoolkeeygii aan aad ka u jeclaa ka dib 23 years markaan ka qalin jabinay waa ilaah mahadiis mar anoo nool inaan arkay dhismahii iskoolkeenii xasuus dheer aan galay ilahow nabad noogu soo celi wadankeenii aamiin
    much love my fellow school mates regardless of your class year.

  2. waa xusuus qiimo badan , waxaan kamid ahaa ardeydii ka baxday dugsiga sare bartamaha sanad dugsiyeedkii 1984/85, waxaan si gaara u xasuustaa maamule ku xigeenkii mr.KABA-WEYNE.. waxaan salaamayaa dhamaan ardeydii wax kusoo baratay BARTAMAHA school , iyo weliba shabakada caalamigaa eee http://www.bartamaha.com

  3. abdulkadir mohamud says:

    waxaan ku faraxsanahay inaa arko iskoolkeygii bartamaha waana ku farxay inuu wili taagan yahay oo 21 sano hubkii la isku garaacayey uu ka badbaaday waxaana isku sanad aheyn aasaasaha wedside kan bartamaha.com waana qiirooday oo ilma iga timid xasuus ka dib sida yonis shalamar ma aanan helin nasiibka oo ku gaaray inuu ka qalin jabiyo waayo aniga wakhtigeygii dagaalkii sokeeye ayaa nagu bilowday oo sidaas baan u nasiibsan waayey inaa ka qalin jabiyo ilahey caasimada somalia mogadishu nabad haku soo dabaalo aamiin…..

  4. Eng Mahamud Ali says:

    Aniga waxaan ka baxay Bartamaha markuu ahaa dugsiga dhexe oo waxay ku beegneeyd 1978 , waxaana u maleeynaa 2 sanno ka dib 1980 in laga dhigay dugsi sare.
    School kaan bartamaha markaan bilaamay waxaa maamule ka ahaa Maxamed Xasan Dawaare oo safiir Soomaaliya ee Yemen waxayna ahay 1975, waxaa ku xigay Ibraahim mahrajaan ilaa 1978, ka dib waxaan dhigtay dugsiga sare 15ka may oo aan ka qalin jibyey 1982 , waxaana shaqadii qaranka ka shaqeeyey anigoo macalin ah isla 15 may waxayna ahayd 1983 . ka dib 1983 dhamaadkeedii bilaabay jaamacadda ummadda kulliyadii Engineering oo aan ka qalin jibyey 1988 ka ´dib waxaan u shaqeeyey dowladda Soomaaliya muddo labi sanno ka dibna dagaalkii ka dibna qaxooti, ka dibna qaxoooti, ka dibna qaxooti

  5. Ayan Ali says:

    Aad baan oogu farahsanahy inna arko sawiro laga soo qaadey schoolkeygii aan ka soo baxay dugsiga sare oo uu weliba nabad qabo waa ilaahay mahadiisa.

  6. amaal says:

    aad baan uga faraxey sawiradaan laga soo qadey my old school..im so happy to show and share this memories with my children and my ajanabi husband who has no clue life in africa..they were so amazed to see where i came from. bartamaha waxaan ka qalin jeben lahaa sanadkii u dagaalkii sokeeye dhacaayey 1991..I remember my dad telling me their were rumours of war and it would not be save for us to stay in somalia and we have 9 hours to pack our packs and leave for austaralia and said NOOOO what about my friends and he reply you would have tons of them . ever since that all the memories i had in somalia was wipe away untill today because of this pictures.

  7. ahmed cawke says:

    aad iyo aad ayaan ugu farhay markaan arkay school aan dhigan jiray oo wili quruxdiisii leh and i hope one day we all go back and have a big reunion there.

  8. cali xassan says:

    waa cajiib iyo farxad aad u badan inaan dib u arko iskoolkii aan waqtigeeygii aan dhihi karo markoow dahabka ahaay aan ku soo qaatay waxaana aad ugu mahad celinaaya qofkii sawiradaan xusuusteeydii dib usoo nooleeyay soo qaaday.
    waxaana jira page faebook aan ugu magac daray iskoolka bartamaha qofkii jecel iskoolka bartamaha ku soo dhawaay.

  9. Ubah Ahmed says:

    Aad ayaan ugu farxay markaan arkay iskuulki aan dhigan jiray oo wali dhisan waxaan ahaa ardaydii ka baxday 84/85 markaan arkay sawirka waxaan soo xasuustay asxaab badan iyo weliba KABAWEYNE waxaan salaamayaa dhamaan ardaydii wakhtigaas khaas ahaan intii i xasuusata

  10. Jamad says:

    ASC waa xusuus qurux badan aan kuwada faraxnay dhammaan gaar ahaan intii dhigan jirtay. Iskuulkaan waxaan sii hormari jiray maalin walba anigoo u socdo YUSUF AL KOWNEYN oo aan aad uga sii fogeyn. Walaalka sawirkan soo qaaday waxaan ka codsanayaa inuu bal YUSUF ALKOWNEYNA ka soo qaado oo uu xusuusta noo dhameystiro.
    Mahadsanid

  11. Masha allah bartamaha iskuul, aniga waxaaba dhashay xiliga aad leedihiin waan ka qalin jebinay, laakin waxaan dareemayaa farxada iyo quruxda aad ku heesateen bartamaha school,
    waxaan aad uga xumahay inaan jaanis u helin, hadaa nahay da’yarta xiligaas dhalatay inaan noqono dadkii idiinka dambeeyay ee bartamaha wax kusoo bartay………masha allah masuuliyiinta bartamaha.com waa idiin salaamayaaaa asc wr wb….Somaliya hanoolaaato……

  12. Mohamed Ali Dahir (Cowke) says:

    Assalamu Calaykum dhammaantiin akhayaarta,aad iyo aad ayaan aniguna ugu faraxsanahay inaan daawado sawiradan laga soo qaaday iskuulkeenni Bartamaha Xamar,runtii wuxuu i soo xusuusiyay waqti aad muhiim ugu ahaa nolosheyda. Waxaan ka mid ahaa ardaydii ka qalan jabisay iskuulkaan sanadkii 1984-85 oo ahaa ardaydii lagu billaabay iskuulka markii laga dhigay dugsiga sare. Waxaan soo xasuustay asxaab badan oo aanan ogeyn inay nool yihiin iyo in kale sida intii aan isku fasalka aheyn: Mukhtaar Oldaada,Nuur Salaad Barkhadle,Sanbar,Caadle,Kamaal,Mahad Daahir Kaariye oo aan isaga ismaqalnay,Maxamed Isaaq Maxamed,Deeqo Salxaan iyo kuwa kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin…Intii dhimatay Allaha u Naxriisto inta noolna kolley waa la duqoobaye kuwaara nolol raaxo leh,aakhirana rabbi ha idin siiyo Jannatul Firdows…Hadda waxaan ku noolahay Canada labaatankii sano ee ugu danbeeyay…..Intaas iyo nabaadiino.

  13. aad baan ugu farxay markaan arkay iskuulkii aan dhigan jiray.aniga waxaan ahaa ardeydii wax ku baratay bartamaha intuu ahaa dugsi dhexe .kolkii aan eight kudhameeyeyna waxaa laga dhigay dugsi sare hadana halkaa ayaan ka bilaabey dugsi sare waxaana ahaa loodkii ka qalin jibiyey 84/85 waxaana ahaa loodkii ugu horeeyey ee magacii kabaweyne soo saarey. waxaan ardeyda ka xusuustaa faarax beerey ,maango.sahra beery.maano.sakariya .aamina camalow.cabdi gurey etc. bartamaha waxaan wax ku baranayey 7 sanadood oo xaq weny ayuu igu leeyahay.hadana waxaan kunoolahay uk aniga iyo caruurteyda.

  14. aad baan ugu farxay markaan arkay iskuulkii aan dhigan jiray.aniga waxaan ahaa ardeydii wax ku baratay bartamaha intuu ahaa dugsi dhexe .kolkii aan eight kudhameeyeyna waxaa laga dhigay dugsi sare hadana halkaa ayaan ka bilaabey dugsi sare waxaana ahaa loodkii ka qalin jibiyey 84/85 waxaana ahaa loodkii ugu horeeyey ee magacii kabaweyne soo saarey. waxaan ardeyda ka xusuustaa faarax beerey ,maango.sahra beery.maano.sakariya .aamina camalow.cabdi gurey etc. bartamaha waxaan wax ku baranayey 7 sanadood oo xaq weny ayuu igu leeyahay.hadana waxaan kunoolahay uk aniga iyo caruurteyda!

  15. waxaan jaclahay in ee somali hal gacan noqtaan

  16. maasha allaah waxaan aad ugu faraxsanahay schoolkayga qaaliga & weliba meesha uu kuyaalo oo ah xaafadeyda wadnahayga aan ku dhashay ee shingaani waa xasuus lama iloowan ah waxaan gadaal ugu noqda 1989/89 waa markaan dhameeyay schoolka intii asxaab ah ee dhigan jirtay bartamaha xamar salaan qaali

  17. ASC Magaceygu waa Faarax Beerreey waxaan ka mid ahaa ardeydii lagu bilaabay dugsigii sare ee Bartamaha kana qalin jibiyay waxaan salaamayaa Raafiyo Cali iyo walaasheed Shariifo oo sida ay sheegeen isku iskuul aan ahayn, imminkase aan ku wada nool nahay UK iyo dhammaan asxaabtii aan waqtigii xusuusta lahaa isla soo qaadanay sida Sahra Beerreey

  18. safia mahamd says:

    magaceyga waa safia waxaansalaamayaa dhamaan ardeydii dugsiga bartamaha kolkii uu ahaa h/dhexe iyo sareba .waxaan iskoolka ku lahaa asxaab qaali ahaa waana salaamayaa meel walbo ay joogaan.waxaana sigaar ah u salaamayaa raafiya cumar oorun ahaantii aheyd gabar very celeaver at any subject. waxaan kaloon salaamayaa mulkiilaha website ka bartamaha .thanks

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";