Calendar

[SAWIRO] Shir ku saabsan dardar galinta howshaha garoonka Aadan Cadde oo ka dhacay Muqdisho

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen madaxda sarsare ee wasaaradda howlaha guud iyo guryeenta, madaxda garoonka Aadan Cadde ayaa waxa looga hadlay sidii loo tayeeyn lahaa howlaha uu u qabto garoonka macaamiisha kasoo degta.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Cali Maxamuud Ibraahim “Cali Madoobe” oo kulanka ka hadlay waxa uu xusay sida loogu baahay in garoonka loogu dhameystiro agabyada kala duwan ee u baahan yahay kuwaas oo qaar badan aysen owlin.

wasiirka Howlaha guud iyo guryeeynta Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ay ku sameyn doonaan hormarin caalami ah, taas usheegay iney qeyb ka tahay howsha loo idmaday in wasaradiisa ay kasoo baxdo.

Garoonka caalamiga ee Aadan Cadde ayaa waxa maalin walba kasoo degta diyaarado gaarayo tobaneyo, kuwaas oo wada dadweyne kala duwan oo dacalada aduunyada ka yimaaday kuwaas oo dib ugu soo laabanaya magalada Muqdisho, markii ay dib ugu soo laabatey xasiloonida.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: