Calendar

Shabab oo sheegtay mas’uuliyada qaraxii xarunta Baarlamaanka

qarax2

Afhayeeka Al-shabab ee dhanka howlgalada sheikh abdiasis abu muscab oo qadka telephonka ugu waramaye wakaalada wararka ee Reuters ayaa isagu sheegay in Al-shabab ay kadambeeyaan masuuliyada qaraxii kadhacay Irada Laga galo dhismaha barlamaanka Somalia.

Sheikh Abdiasis Abu mus ayaa yiri” kani werarkeeni labaad oo aynu kuqaadno dhismaha barlaamanka Somalia “.

Afhayeenka ayaa sheegay in Al-shabab ay siiwadi doonaan bartilmaameesiga saraakiisha iyo xubnaha dowlada islamarkaana ay siyaadiyeen weeraradooda bishan Ramadan.

Weerarka lagu qaaday barlamaanka Somalia manta ayaa ah kii labaad waxaana kahoreeyay weerarkii shababku ay sheegteen oo dhismaha barlamaanka lagu qaaday 24-bishii may ayna kudhinteen ilaa 11-oo ciidamada dowlada ubadnaa ,dhaawacyana ay kasoo gaareen ilaa 23-ruux oo xubno barlamaan ah ay kujiraan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: