Calendar

Shacabka Jowhar oo ka dibad baxay dhac ay ciidanka dowladu ka gaysteen suuqa degmadasi (sawirro)

Jowhar_ Dadka kunool magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa maanta banaan bax looga soo horjeedo maamulka gobalka ka dhigay degmadasi.

Dadka dibad baxa dhigayay oo ay ubadnaayeen Ganacsatada suuqa ugu weyn Jowhar ayaa ahaa mid loogaso horjeedo boob ay ciidamada maamulku ka gaystaan gudaha degmada.

Maalintii shalay ayaa boobkii ugu dameeyay loo gaystay nin sarifle ah kaasi oo ay kula kaceen ciidamo katirsan dowlada, taasoo keentay in maanta ay dibada baxaan bulshada kunool magaalada.

Dibada baxayaasha ayaa gaaray xarunta maamulka gobalka Sh/dhexe, waxaana ay ku dhawaqayeen erayo ay ugasoo horjeedaan maamulka gobalka.

Guddomiyaha maamulka gobalka Sh/dhexe Maxamed Aamiin Cismaan Xaaji Cabdulle oo lahadlay dadka banaan baxa dhigayay, ayaa bulshada ka cidasday inay is dejiyaan, waxaana uu balan qaaday in gacanta lagusoo dhigi doono askarata boobka gaysata.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada boobka gaystay ay yihiin kuwa degmada Mahday, waxaana uu ballan qaaday in maamulku uu diyaar uyahay inuu bixiyo lacagaha la dhacay.

Ganacsiga Jowhar ayaa maanta xiran, waxaana ay ganacsatadu soo jeediyeen in dowlada looga baahan yahay in sicada u sababayso waxa keenay in maalin cad la dhacao suuqa degmada.

Dibada baxaan ayaa midkii ugu horeeyay oo noocisa ah kaasi oo ay shacabka degmada Jowhar kaga horyimaadan maamulka degmada, tan iyo markii ay dowladu la wareegtay Jowhar.

banaanbax-jowhar-2 banaanbax-jowhar-3 banaanbax-jowhar-4 banaanbax-jowhar-5 banaanbax-jowhar-6 banaanbax-jowhar-10 banaanbax-jowhar-11 banaanbax-jowhar-20

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: