Calendar

Shafiir Xasan Sheekh Aadan oo Dayn lagu yeeshay (War-bixin)

Shariif XasanBartamaha (Nairobi):- Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa si cad loo baahiyay dayn culus oo lagu yeeshay taasi oo heer Dacwa Maxkam,adeed gaartay.

Nin Ganacsade ah oo u dhashay wadanka Suudaan ayaa Lacag Dayn ah oo gaaraysa 8-Milyan oo doolar ku yeeshay kuna dhagan Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada haaya xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

Ninka daynta ku yeeshay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabaa Saadaq Maxamed Axmed waxa uuna u dhashay wadanka Suudaan isagoo hadda qabsaday Qareen u dooda sidii uu Lacagtiisa uga heli lahaa Shariif Xasan oo 8-Milyan oo Doolar Dayn ah uu ninkan ku haysto.

Ganacsade Saadaq Maxamed Axmed ayaa horey dacwad ka dhan ah gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya wuxuu u geeyey maxkamad ku taalla magaalada Khartoum ee caasimada Sudan, isagoo ku dacwooday inuu lacagta deynta ah ee $8 milyan ka waayey gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya oomudo uu ku lahaa.

Wargeyska Al Ahram Al-yom oo arintan wax ka qoray ayaa sheegay in ninka Sudaniga ah uu lacagtani ku bixiyey wada hadal dhexdhexaaadin ah oo bishii Apriil 2009 dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Sudan si lacag cusub oo shillin Soomaali ah loogu daabaco DKMG Soomaaliya.

Lacagtaasi ayaa qaarkeed horumaris ahaan loo siiyey madbacada lacagta uu daabacday DKMG iyadoo balantuna ahayd in ganacsadaha reer Sudan ee kharashka bixiyey deyntiisa dib loo siiyo.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilligaasi ahaa wasiirka maaliyada ee DKMG  ayaa la sheegay inuu damiin ka ahaa lacagtaasi uuna balanqaaday bixinteeda, hase yeeshee sida wargeysku sheegay Shariif Xasan oo haatan ah gudoomiyaha barlamanka wuu ku guul dareystay inuu deyntaasi bixiyo.

Ganacsade Saadaq Maxamed Axmed ayaa aha shakhsi xiriir aad u dhow la lahaa masuuliyiintii maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya ka talinayey 2006, wuxuuna dhowr jeer kulamo la yeeshay madaxweyne Sheekh Shariif oo xilligaasi ahaa gudoomiyihii maxkamadaha.

Ganacsade Saadaq ayaa sidoo kale dhowr jeer 2007 booqashooyin ku tegey magaalada Asmara ee wadanka Eritrea waqtigii halkaasi fariisinka u ahayd hogaankii Isbahaysiga Dib u Xoreynta ee ay hogaaminayeen labada Shariif [oo hadda ah gudoomiyaha barlamanka iyo madaxweynaha].

Heshiiska lagu daabacay lacagta shilin Soomaaliga waxaa uu ka dhacay wadanka Sudan bishii Aprill 2009 waxaana dhinaca DKMG wakiil uga ahaa hawshaasi Shariif Xasan, Wuxuuna ganacsadahani ku dooday in lacagta uu shakhsi ahaan ku leeyahay Shariif Xasan.

Wargeyska Al Ahram Alyom ayaa ka soo xigtay qareenka ninka ganacsadaha ah inuu qorsheynayo in dacwada arinta ay gaarsiiyaan DKMG Soomaaliya si ninka ganacsadaha ah u helo dhaqaalaha uga maqan gudoomiyaha barlamanka.

DKMG ee u hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa sanadkii hore bartankiisa dalka soo galisay lacag cusub oo shilin Soomaali ah taasoo lagu soo daabacay dalka Sudan, waxaana lacagtaasi inteeda badan ay gashay gobolada dalka, walow isticmaalkeeda laga diiday meelo ka mid ah goobaha ay maamulaan kooxaha mucaaradka iyo qeybo ka mid ah Puntland.

Masuulkan Lacagta daynta ah lagu haysto ayaanan la ogayn waxa uu ka dhihi doono isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa laga baqanayaa in looga yeero Maxkamada wallow Lacagta loo haysto ay tahay mid aad u badan oo xanuunkeeda leh.

Lacagtan ayaa badankeed loo adeegsaday samaynta Lacag   Shilin Soomaali hore ay u mamnuuceen Islaamiyiinta Mayalka adag Ee Alshabaab oo lacagtaasi ku macneeyay mid gaalada ay leeyihiin.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: