Calendar

Shiikh Shariif oo Faransiiska gaaray (SAWIRO)

IMG_0054Bartamaha (Nice, France) Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta gaaray magaalada Nice ee dalka Faransiiska iyaga oo ka qayb galaya shirka berri magaalada Nice uga furmaya madaxda Africa iyo Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Faransiiska.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka ku weheliya, masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, laba Ra’iisul Wasaare hore ee Soomaaliya,  Xildhibaanno, General ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomalaiya. Wafdiga waxaana magaalada Nice uga soo horreeyey soona dhaweeyey Danjire Nuur Xasan Xuseen safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Talyaaniga iyo Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Fransiiska Siciid Xaaji Faarax.

[slidepress gallery='nice']


Communications / Warfaafinta

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: