Calendar

Shir ay dalka Malaysia ku yeesheen Dowladdaha dalalka Malaysia iyo Koofur Kuuriye oo arday Soomaali ah lagu casumay

SDC14321

Bartamaha (Kuala Lumpur-Malaysia):-Kullan waayadanba u socday Dowladaha dalalka Malaysia iyo Koonfurta Kuuriya loogana hadlayay Nabadda iyo Wadda Noolaanshaha ayaa lagu soo gababageeyay dalka magaaladda Putrajaya ee Dalka Malaysia, Kullanka Shirkan oo Soconayay mudo Sadax Maalin ah ayaa gabagabadii Kullanka lagu casumay Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Malaysia.
Madaxdii Kullanka ka soo qeyb gashay waxaa ka ah Wasiiro Dowladda Xafiiska R/Wasaaraha dalka Malaysia Tan Sri Dr. KohTsu Koon oo halkaasi ka jeediyay hadal qiimo badan oo soo jiitay dadkii maqasha isugu yimid isagoo sheegay in Malaysia ay tusaale u tahay wada noolaanshaha dadka kala dhaqanka iyo diimaha duwan iyadoo dalka Malaysia ay ku wada Noolyihiin, Muslim, Hinduus , chiristian iyo Chinese.
Dhanka kalle Hon. Dr. Young Sun Song oo ah Haweenay ka tirsan Aqal-ka Wakiilada dalka Koonfur Kuriya oo kullanka ka jeedisay Khudbad u badneyd wada noolaashanha iyo sida ay aadamaha ugu baahanyihiin in ay wada noolaanda iyadoo dhanka kalle dalka Malaysia ku amaantay horumarka ay ka gaartay wada noolaanshaha dadkeeda.

Intii uu Kullanka socday waxaa lagu soo bandhigay Muuqaalo Muujinaya Nabadda iyo wadanoolaanshaha, Heeso iyo Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka dalka Malaysia.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan Kullankan ka qeyb galo aniga oo matalaya dalkeeyga Soomaaliya” ayuu yiri Maxamuud Sheikh Aadan “Jamuux” oo ka mid ah ardaydii ka qeyb gashay Kullanka.
Balse arrinta la yaabka leh ayaa ah kadib markii Qaar ka tirsan Wufuudii ka socotay dalka Koonfur Kuuriye ay arkeen ardayda Soomaalida ah ay aad ula yaabeen iyagoo yiri “Dadka Soomaalida ah dad Bur-cad badeed ah ayaan ka aamisaneen” balse markii ay arkeen dadaalka iyo quruxda ka Muuqatay ardaydii Soomaaliyeed ee Kullankii ka qeyb gashay ayay la dhaceyn oo ay codsadeyn in ay sawiro xasuus ah la galaan. Dalka Koonfur Korea ayaa dhawaan xukun Xabsi daa’in ah ku riday Dhalinyaro Bur-cad badeed Soomaali ah.
Ugu danbeyntii Kullanka ayaa ku sooo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo Soomaalidii Kullanka ka soo qeyb gashay ay mid ahaayeen Ismail C/rahman “Sabdow”, Saciid Cumar Maxamed, Yassir Cumar “Baffo”, Maxmuud Sheikh Aadam, Ibraahim Hassan Xaaji “Ibraahim Yare”, Abuukar Ahmed “Baffo”, Abdihaliim abdiaziz iyo ibraahim Da’ud Abdalle “Sayfudiin”.

Halkan ka daawo Waraysi Kullankan kadib lala yeeshay qaar ka tirsan Ardaydii Kullanka ka qeyb gashay.

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »


Comment: