Calendar

Shir looga hadlayo mustaqbalka AMISOM oo lagu qabtey Nairobi + Video

Bartamaha Nairobi — Shir looga hadlayay mustaqbalka AMISOM ee sii joogitaankooda Soomaaliya ayaa lagu qabtey magalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo kazoo qeyb galeen deeq bixiyaasha caalamiga, Dowladada Soomaaliya, Hey;adaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo ardayda Soomaalida ee wax ka barata jamaacada wadanka Kenya.

Shirka ayaa intiisa ugu badan waxa u ahaa mid aragtiyo la isku dhaafsanayay iyadoona ay dadka kazoo qeyb galay ay su’aalo kala duwan weedinayeen madaxdii shirka kazoo qeyb gashey.

Sidoo kale waxa jirey aragtiyo lala wadaagayay dowladda cusub ee Soomaaliya iyo madaxda AMISOM sidii ay wax uga qaban lahayeen xaaladda Soomaaliya oo iminka u eg mid kazoo raayneso.

AMISOM ayaa sameynayso qeyb cusub ee dowlada Soomaaliya kala shaqeynayso sidii ay maamulkeeda ugu balaarin laheed qeybaha dalka.

Waqti Kordhinta AMISOM

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa waxa ay kuleehyihiin shir magalada New York halkaasi oo uga hadlayaan xilli kordhinta ciidamada AMISOM, maadama xilligooda ay ka harsan tahay maalmo qura una baahan yihiin xilli kordhin kale iney helaan.

Shirkooda ka dhacay Nairobi waxa ay AMISOM ku sheegayn iney waligooda joogayn Soomaaliya ayna doonayaan iney dhisaan qeybaha kala duwan ee dowlada oo ku jirto ciidamada qaranka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya soogalay bilowgii sanadkii 2007 markaas oo ay ka heleen ogolaansho golaha amaanka ee QM kuwaas oo bixiya dhaqaalaha ku baxa howl galkooda ay ku jogaan Soomaaliya.

_______

Xafiiska Wararka Bartamaha ee Nairobi

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured and tagged .
« »

Comment: