Published On: Mon, Feb 4th, 2013

Shirar ka dhan ah dowladda Federaalka oo ka bilowday Nairobi Kenya

Share This
Tags

Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Soomaaliyeed Max’ed Xasan Xaad ayaa sheegay shirarka ka soconaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay yihiin shirar ka dhan ah Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya islamarkaana ay dhabar Jab ku noqon karto Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Nabadoon Xaad ayaa waxa uu walaac Ka muujiyay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya  uu khilaaf Ku yimaado Maadaama uu yiri in shirar ka dhan ah dowladda Soomaaliya ay haatan ka soconayan Gudaha dalkaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka Ahlusnna Waljamaaca Sheekh Axmed Cabdullaahi Ilkacase oo lahadlayay warbaahinta  ayaa waxa uu sheegay in dad ka mid ahaa dowladihii KMG islamarkaana Xilal kala duwan ka soo qabtay uu shir uga soconayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya shirkaasi oo la sheegay in Looga soo Horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Ku xigeenka ayaa waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay wax laga Xumaado loona baahanyahay in shirarkaasi Looga soo Horjeedo dowladda Soomaaliya laga Hortago.

Hadal haynta aarrintaan ayaa soo Jiitameysay Muddooyinkii dambe mana Jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo ay kaga hadlayaan arrimahaani soo Kordhay

shirkaan ayaa dadka abaabulayaashiisa ka mid ah Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan,Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke,Cali Max’ed Geeddi oo isna mar soo noqday  Ra’isal Wasaare iy Xaabsade. kuwaas oo dhamaan ka waayay danahooda dowladda federaalka Soomaaliya.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";