Calendar

Shirka Bandhiga wax Soosaarka iyo Maalgashiga oo maalintii labaad ka socda Dubai (sawirro)

Dubai_ Waxaa maalintii labaad galay shirka lagusoo Bandhigayo wax soo saarka iyo maalgashiga Somaliya oo maalintii shalay ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta.

Shirka ayaa waxaa kaqaybgalay masuuliyin katirsan dowlada Somaliya, Ganacsato Ajnabi ah iyo Gaanacsatada soomalida ee kunool dalkaasi.

Shirkaan oo ay soo abaabushay Safaarada soomalida ee dalkaasi, ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax katirsan dowlada Somaliya.

Shirka ayaa waxaa maalintii shalay furay Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Soomaliya Aadan Maxamed Nuur (Saran soor) waxaana ka hadlay muuhimada ay soomaliya ugu fadhido in la maalgashado.

Wasiirka ayaa sheegay inay Soomaliya caan ku tahay wax soo saarka beriga iyo Badda, loona baahan yahay in laga gacansiiyo sidii loo maalgashan lahaa gudaha dalka.

Masuuliyin ku hadlaysay afka Hey’adaha HANVARD iyo FAO oo bandhigan qeyb weyn ka qaatay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka soomaliyeed looga faa,iideyo maalgashiga dalka.

C/raxmaan Saif Al-Ghurair oo ah Madaxa Rugta ganacsiga ee Dubai ayaa ganacsatada Soomaliyed ku dhiiri geliyay inay maal gashtaan dalkooda, waxaana uu ugu baaqay Maalgashada yasha caalamka inay ka faa,iidaystaan maalgashiga Somaliya.

Bandhigan caalamiga oo soconaya saddex maalmood ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaaliya, iyadoo dadkii ka soo qeyb galay ay la yaabeen dhamaan kheyraadka dalkeena oo lagu soo bandhigay xarunta Ganacsiga Dubai.

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Soomaaliya, gaar ahaan khudaarta noocyadeeda kala duwan, sida Cambaha, muuska, babayga, liin bambeelmada, xoolaha berriga iyo Kaluunka iyo waxyaabo kala duwan oo ay la cajibeen dadkii ka soo qeyb galay bandhigan wax soo saarka iyo maal gashiga Soomaaliya.

maalgashi_dubai maalgashi_dubai_1 maalgashi_dubai_2 maalgashi_dubai_3 maalgashi_dubai_4 maalgashi_dubai_5 maalgashi_dubai_6 maalgashi_dubai_7 maalgashi_dubai_8

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: