Calendar

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo maanta si rasmi ah ula wareegeysa maamulida garoobka Mogadishu

Shirkadaan laga leeyahay dalak Turkiga ayaa waxa ay maanata si rasmi ah ula wareegeysaa maamulida garoonka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ballaaran oo uu Wasiirka warfaafinta Soomaliya la qaatay masuuliyiinta Shirkada SKA ee horay umaamuli jirtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta shirkad Turkish ah oo la wareegaysa maamulka Garoonka Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in howlaha kala wareejinta Garoonka Magaalada Muqdisho aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaq-dhaqaaqii shaqada ee Garoonka Muqdisho.

Shirkada Turkishka ah ee garoonka la wareegaysa ayaa waxaa lagu magacaaba VAVORI, taasi oo muddooyinkan dambe qalabkeeda kasoo dagsaneysay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe ay bilaabatay howlaha kala wareejinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shirkada SKA qalabkeeda ay kasii qaadatay Garoonka.

Shirkadan cusub VAVORI ayaa balan qaaday in Garoonka Muqdisho ay ku sameynayso dayactir ballaaran oo ku aadan dib udhiska iyo ballaarinta Garoonka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: