read more »">
Calendar

Shirkii Bandhiga iyo wax soo saarka Somaliya oo DUBAI lagusoo gabagabeeyay (sawirro)

DUBAI - Maanta ayaa lasoo gabagabeeyay Shirweyne ay Soomalidu kusoo Bandhigaysay wax soo saarka dalka iyo maalgashiga, kaasi oo kasocday muddo saddex maalin ah dalka Imaaradka carabta.

Shirka ayaa waxaa kaqaybgalay Ganacsato Soomali iyo Ajaaniib isugu jirta, waxaana laga casharo kabixinayay khubaro ku xeeldheer habka loo hormarin karo  Gancsiga iyo Maalgashiga Caalamka.

Mr. Luga oo ah madaxa Hay’adda FAO ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaliyeed ay ka taageeri doonaan sidii ay uhorumarin lahayeen wax soo saarka dalkooda, gaar ahaana miraha kasoo go,a Somaliya.

Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaliya Cabdi Abshir Dheere ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in la maalgashado soomaliya, isagoona cadeeyay in ganacsatada Soomaliyeed ay doowr wacan kaqaateen sidii la isugu xiri lahaa ganacsiga somaliya iyo Caalamka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagusoo bandhigay wax soo saarka dalka gaar ahaana khayradka uu alle ku manaystay dalka Soomaliya, iyadoona ay aad ula dhaceen khayraadka Soomaliya Ajaaniibtii ka qaybgashay Shirka.

shirka-ganacsiga_dubai_1 shirka-ganacsiga_dubai_2 shirka-ganacsiga_dubai_3 shirka-ganacsiga_dubai_4 shirka-ganacsiga_dubai_5 shirka-ganacsiga_dubai_6 shirka-ganacsiga_dubai_7 shirka-ganacsiga_dubai_8 shirka-ganacsiga_dubai_9 shirka-ganacsiga_dubai_10 shirka-ganacsiga_dubai_11

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: