Calendar

Shirkii Nabadaynta oo Maalintii Afaraad ka soconaya degmada Caabudwaaq “Sawirro”

This slideshow requires JavaScript.

Waxaa maalintii afaraad ka soconaya degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud Shirka nabadaynta beelo walaala ah oo dhawaan wax ku kala gaareen deegaano ku yaala gobolka Galgaduud.

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay  beelihii wax kala gaareen iyadoo dhowrki cisho ee u danbeeyay si joogta ah ay kulamadu u socdeen, Waxaana muuqata imika in labada dhinac isku soo dhawaanayaan.

Shalay waxaa la sameeyay gudi ka kooban labada dhinac ee wax kala gaareen iyo golaha dhaqanka deegaanka, kuwaasoo si toos ah uga wada hadli doona arimaha horyaala.

“Waxaa muuqata inay labada dhinac isku soo dhawaanayaan, waxaana  maanta fursad loo helay in la isku keeno labada beelood iyo gudiga dhex dhexaadka, gudiga la sameeyay ee Labada beelood oo ka koobna beeshiba 15 ruux iyo gudi ka kooban 11 ruux guurtida magaalada laga soo xulay ah ahna xeer beeg iyo dhaqan aqoon ayaa arinta ku jira Waxaa kaloo jira labo sheikh oo kamid ah Culimada ugu wayn gobolka Galgaduud kuwaasoo dhaarin doona gudiyada ” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya Mudane C/rixmaan Maxamed Bangax oo Saxaafadda la hadlayay.

Sidoo kale waxaa madasha shirka goob joog ka ahaa Wafdigii Muqdisho ka yimid ee ka koobnaa labada gole ee dowladda oo iskugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano oo Hogaaminayay Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha  iyo Federaalka C/rixmaan Maxamed Bangax.

Waxaa imika soconaya shir u dhexeeya labada belood ee wax kala gaareen iyadoo gudiga Guurtida iyo Wafdiga dowladda ay ka codsadeen in labadooda la isku daayo si ay u wada hadlaan.

Axmed Cali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya oo kamid ah Wafdiga ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa ka dalbaday Xubnaha matalaya labada beelood inay arintooda ku dhameeyaan wada hadal.

Magaalada Caabudwaaq ayaa laga dareemayay dhiilo colaadeed iyo xaalad adag ka hor intii aysan magaalada soo gaarin wafdiga dowladda, iyadoo dhinacyadii wax kala tabanayay ee ka koobnaa labada beelood uu soconayo shirkoodii ugu horeeyay ee fool-ka fool ah.

Wafdiga dowladda ayaa sidoo kale kormeer ku tagay goobaha ay ku suganyihiin labada Beelood, waxaana ay u sheegeen diyaar inay u yihiin nabad galyada inay ka shaqeyaan, waxaana ay ka codsadeen xubnaha dowladdu in nabad galyada laga shaqeeyo.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federalka Dowladda Soomaaliya oo Horkacaya Wafdiga Caabudwaaq ku sugan ee ka kooban labada gole ee dowladda ayaa waxaa uu horay Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska uga soo noqday Maamul goboleedka Puntland,waxaana uu inta badan ka codsanayay dhinacyada wax kala tabanaya arintooda inay iyagu xal ka gaaraan si meesha looga saaro dhibaatada saamaysay deegaanka.

Degmada Caabudwaaq deegaan u dhow ayaa lagu dilay dhamaadkii sanadkii tagay ganacsade ah caan ah oo lagu Magacaabo Shuuke, waxaana xiligaasi wixii ka danbeeyay deegaanka ka jiray xaalad adag oo dhinaca amniga ah iyadoo Bishii hore lagu dilay bartamaha degmada Caabudwaaq ganacsade kale oo u dhashay beelihii horay loogu tirinayay inay dilka u gaysteen ganacsade Shuuke.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mudane Axmed Jaamac Dhirif iyo Taliyaha Qaybta 21 ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed Sulub Diiriye Shabeel aya ayaa gacan ballaaran ka gaysanaya heshiiska labada beelood.

Axmed-nur Max’ed Jamac

Caabudwaq Somalia

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: