Calendar

Shirweyne Qaran oo lagu gorfaynayo arimaha amniga dalka oo ka furmay Muqadisho

Sida xafiiska Bartamaha ee caasumada Soomaaliya kusoo waramayo, waxaa maanta ka furmaya Muqdisho shirweyne Qaran kasoo ka qayb galayaan ergooyin ka kala socota dalka guduhiisa iyo dibadiisaba.

Shirkaan ayaa waxaa lafilayaa inuu furi doono madaxwayne xassan sheikh maxamud waxaana shirkan soo diyaariyay wasaarada amniga dalka si loogu kuur galo xaalada amaan ee caasimada iyo gobolada dalka Somalia.

Dhowr kii maal mood ee lasoo dhafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kasoo dagayay ergooyinka ka qeybgalaya shirkaasi oo saaka ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah taliyaashii hore ee ciidamada Soomaaliya waqtiyadii kala duwanaa ilaa dowadii kacaanka.

Mas’uuliyiinta ka qeybgaleysa oo isugu jira saraakiil ciidan oo dhan walba leh iyo xubno waaya arag ah ayaa muddo dhowr maalmood ah ka doodi doona heerka amni ee dalka somalia ku suganyahy iyo qaabka wax looga qaban karo.

Qaar ka mid ah ergooyinka ka qeyb-galaya shirkaasi ayaa sheegaya in kulamada noocan ah ay yihiin kuwo lagama maarmaan u ah marka laga hadlayo sugida amaanka maadama dalkeenu uu xilligan madaxa kala sii baxayo dagaalladii mudada kasocday..

 

w/q said abdi

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: