Calendar

Siilaanyo ” Anagoo og Xasuuqii shacabkeena loogu geystay diyaaradaha, Malaga yaabo in aan ku noqon Soomaaliya ”

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbad dheer oo taariikhi ah ka jeediyay Munaasabada 18-ka May oo ku beegan 22 sano guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taaga.

Madaxweynaha oo aad ugu faraxsanaa munaasabada 18-ka May ayaa khudbadiisa ku sheegay in Soomaaliland aysan marnaba ku noqon doonin Dalka Soomaaliya, iyadoo hadalkaasi marki uu sheegayay ay Kumanaan Dadweyne iyo madax ka tirsan Soomaaliland ay sacabka u wada tumeen.

” Soomaaliland waa Qaran, Gooni isku taageeduna waa muqadas, Soomaaliland-na dib ugu noqon meyso Soomaaliya, Xasuuqii shacabka diyaaradaha lagu duqeynayay anagoo og , ku noqon meyno Soomaaliya ” waxa sidaa yiri Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka muuqatay shacuurta Maalinta 18-ka May.

” Inta ii hartay Soomaaliland waxaan ku maamuli doonaa Cadaalad, Horumar iyo Sinaan, ” ayuu hadalkiisa ku sii daray Siilaanyo.

Munaasabada 18-ka May ayaa sandkan ku soo aaday xili ay isku dhacsan yihiin Maamulka Soomaaliland iyo dowladaha caalamka ugu waa weyn, sidoo kalana ay Soomaaliland hawadeeda ka mamnuucday inay soo galaan diyaaradaha QM, kuwa joogana ku martay inaysan meelna uga bixin Soomaaliland.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: