read more »">
Calendar

Sirdoonka Kenya oo su’aalo waydiinaya mid kamid ah la taliyayaashii Raila Odinga

OwaloSirdoonka waddanka Kenya ayaa u yeeray Eliud Owalo oo ah la taliyihii Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya si su’aalo loo waydiiyo.

Waxaana la sheegay in siirdoonku ay helaan macluumaad ku saabsan inuu qorshaynayay falal lagu qasayo jiritaanka dawlada Kenya kadib markii doorashadii looga guulaystay musharraxii xisbigiisa ahaana Ra’iisul wasaarihii hore Raila Odinga.

Wararka ayaa sheegaya in Owalo wax laga waydiin doono waxa uu ka egyahay qorshe lagu afgambinayo dawlada haatan jirta.

Isagoo la hadlay warbaahinta dalka Kenya ayuu Owalo sheegay in arrinta loogu yeeray ay tahay in la handado oo la aamusiyo dadka kasoo horjeeda isbahaysiga Jubilee ee haya xukunka waddanka.

Isaga ayaa abukaate u doodaya ayaa la filayaa in su’aalo lagu waydiiyo xarunta dhexe ee sirdoonka.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, First Look, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: