Calendar

Sirta iyo Sababta ka danbeysa la wareegida Shabaabka Ee Idaacada Qur’aanka Kariimka (War-Bixin).

ddBartamaha (Nairobi):- Idaacada Qur’aanka Kariimka ah ayaa Xiligan  waxaa wararka ka tabinaya Wariyayaal ka shaqeyn jiray Idaacadaasi  balse haatan ah Saraakiil shabaab ah.

Idaacada waxaa si toos ah amar ugu bixiyay in alshabaab lagu soo wareejiyo Cali Maxamed Xuseen “Cali Jeesto”  oo ah Gudoomiyaha Alshabaab magaalada Muqdisho kaasi oo wareegta uu soo saaray ku dalbaday in lagu soo warejiyo Idaacada.

Wareegtada ayaa waxaa ka mid ahaa Qodobadan:_

1.Dhamaan howlaha Idaacada Qur’aanka Kariimka maanta oo taariiqdu tahay 13-ka Ramadaan 1431 Jiriyada kuna beegan 23-ka bisha August ee 2010-ka waxaa la wareegay wilaayada Al Shabaab ee gobolak Banaadir.

2. Wilaayada Islaamiga ee Banaadir waxaa ay sugeysaa mabda’a Waqafka ah ee idaacada, waxaana magaca ay ku shaqeyn doonto uu noqonayaa midka hadda ay ku howlgasho ee Idaacada Qur’aanka Kariimka.

3 .Dhamaan agabka yaala Idaacada iyo wixii hanti ay laheyd waxaa uu ka dhaxeeya umada Muslimka ah ee Soomaaliyeed mana jiri doono qof gaar u lahaanaya.

4. ugu dambeyn wilaayada Islaamiga ee Banaadir waxaa ay ugu bishaareyneysaa dhageystayaasha ku tixan Idaacada inay ka heli doonaan Barnaamijyadii Dacwada ahaa iyo kuwa kale oo lagu soo kordhin doono.

Qodobadaasi ka dib waxaa idaacada soo gaaray saraakiil Alshabaab ah sida:- Xasan Xanafi Xaaji oo ah ninka lagu Eedeeyo dilka wariyayaasha oo Idaacada xilli ka ahaan jiray Reporter iyo Madaxii Barnaamijyada Idaacada Qur’aanka Kariimka Jibriil Nuur Yuusuf oo ah Wiil dhalinyara ah oo qaab ahaan dagan hadana ah madaxa Qeybga Iclaamka Alshabaab kaasi oo hadda dib ugu soo laabtay Idaacadiisii afka Alshabaabna ugu adeegaya xiligan markii muddo uu ka samray tabinta Barnaamij uu ku dagaalami jiray.

Idaacada IQK ayaa soo martay Marxalado kala duwan waxaana la aas aasay sanadii 2002 xiligaasi oo ay furteen Idaacada rag ahaa Al-Itixaadkii hore kuwaasi oo goostay in idaacada ay noqoto mid Diini ah oo ay afkaartooda si dadban dadka u gaarsiiyaan.

Muddo yar ka dib waxaa geeriyooday Nin ka mid ahaa raga aas aasay Idaacada oo gacanta ugu weyn ku lahaa waxaana idaacada si toos ah ula sii wareegay Howsheeda Sheekh Daahir Maxamuud Geele.

Daahir Geele ayaa waxa uu ahaa nin Firfircoon oo xubin muuqda ka ahaa Hay’ada xiriir la leh Dowladaha Carabta ayaa waxa uu iskaashi la yeeshay Daa’uud Gabayre oo ay Ehel wadaag ahaayeen kaasi oo qarash badan galiyay idaacadaasi.

Idaacada oo muddo shaqeynaysay ayaa waxaa isku afgaran waayay qaabka shaqadeeda Milkiilaha hadda ee Idaacada VOD Daa’uud Gabarye  iyo Sheekh Daahir Geele oo ahaa agaasimaha guud ee Idaacada Qur’aanka ooh anti wada gashtay Idaacadaasi shaqeynteeda.

Xiligii Maxkamadaha Islaamiga ay dalka maamulayeen ayaa waxaa ku kala baxay idaacadaasi labadaasi masuul waxaana Milkiiliyada Idaacada ay ku kali noqotay Sheekh Dahir oo qaabab badan u maray sidii Idaacada uu awoodiisa ugu maamulan lahaa.

Xiligasi idaacada Qur’aanka waxa ay si muuqata u taageersanayd Maxkamadaha Islaamiga ah maadaama uu xubin firfircoon ka ahaa Sheekh Dahir Geele waxaana sidoo kale jiray in Idaacada ay Muxaadaraad ka jeedin jireen rag sare oo Maxkamadaha ahaa.

Dalka waqtigii laga saaray Maxkamadihii ayaa waxaa idaacada ay noqotay mid cabsi soo wajahday wallow uu u dhabar adeegay agaasime Xigeenkii Idaacada Yuusuf Maxamed Barrow waxaana ay idaacada sii ahayd mid shaqeynaysa.

Waqtigii Dowlada Col.C/laahi Yuusuf ka talinaysay waxaa wariyayaasha  idaacada qaar ay kala kulmeen Jirdil,Handadaad iyo Cabsi galin waxaana wariyayaasha qaar loo diidi jiray goobaha qaar.

Muddo ka dib dhamaadkii sanadii 2007 waxaa caadi ay noqotay shaqada Idaacada oo shaqaalaheeda ay tagi jireen meel walba oo shirar jaraa’id ay ka dhacayaan iyadoo la iska ilaabay Colaadii  iyo Eedeymihii la xiriiray la shaqeynta Maxkamadihii Islaamka.

Kooxaha Nabad Sugida Dowlada ayaa muddo ka dib ku kacay Idaacada waxaana ay cabsiga dhigeen Agaasimihii xiligaasi balse ku magacaabnaa agaasime Xigeenka Idaacada Sheikh Yuusuf Maxamed Barrow.

Wadaadkaasi agaasimaha ahaa waxa uu xabsiga ku jiray muddo dheer waxaana la iska sii daayay 50-maalmood ka dib markii si hoose looga qaatay Lacagaha la siin jiray Ciidankii Nabad Sugida.

Ciidanka Dowlada gaar ahaan kuwa Madaxtooyada ayaa dhowr jer jirdil kula dhaqaaqay wariyayaasha Idaacada waxaana ka mid ahaa raga ay waxyeelada gaarsiiyeen :-Wariye C/qaadir Maxamed Rabaani iyo Wariye C/risaaq Yuusuf Kampala oo idaacadaasi Howl-wadeena ka ahaa sidoo kale waxaa handadaad loo gaystay Jibriil Nuur Yuusuf oo markaasi ahaa Howl-wadeen firfircoon.

Maamulka Idaacada ayaa isbadal lagu sameeyay waxaana dalka isaga cararay Yuusuf Maxamed Barrow oo agaasime ka ahaa Idaacada iyadoo taladaasi loo dhiibay Maxamed Cabdi Wahaab oo ahaa nin arday Jaamacdeed ahaa balse aan lahayn Khibrad Saxaafadeed kaasi oo ay ehel wadaag ahaayeen Yuusuf Barrow.

Shaqada idaacada ayaa isbadal lagu sameeyay waxaana jiray xiriiro uu mar walba idaacada la soo samaynayay Daahir Maxamuud Geele oo ahaa Milkiilaha Idaacada oo xiligaasi ku sugnaa Dalka Eritrea iyo mar uu joogay Dalka Yamen.

Agaasimaha loo sii dhiibay Xilka oo aan Khibrad u lahayn saxaafada ayaa bilaabay in uu la tashiyo la sameeyo qaar ka mida shaqaalaha isagoo cadaadiyay wariyayaal badan oo ka dhex muuqday Howsha Idaacada haysay taasi oo qasab ka dhigtay in shaqada ay mugdi gasho oo aanay Idaacada firfircooni yeelan.

Warar ay ogaadeen dhammaan shaqaalaha ayaa laga helay Daahir Geele waxaana xiligaasi uu ku dalbaday in uu Wariye Jibriil Nuur Yuusuf yareeyo qaabka uu u tabiyo Barnaamij lagu magacaabayay (CAALAMKA ISLAAMKA) oo dadka u janjeera taageerida Al-Qaaacida iyo Muqaamada Ciraaq ay jeclaayeen.

Wariye Jubriil Nuur Yuusuf ayaa xiligaasi ka dib go’aansaday in uu gabi ahaanba isaga tago shaqada Idaacada isagoo u bareeray ku wareegida Alshabaab oo uu markii hore qaab Xirfadaysan ula shaqeyn jiray.

Wariyahaasi waxaa alshabaab uga sii horeeyay Xasan Xanafi Xaaji oo ah nin ku tagay Wariyayaal iyo Agaasimayaal Idaacadeed sida lagu ogaaday Codad laga helay Xanafi.

Jibriil waxa uu bilaabay ku hadalka afka alshabaab waxaana uu duubay Cajalado badan  oo uu afka kula dagaalamayo Dowlada KMG ah iyo sidoo kale Sheekh Shariif oo ay Ridda ku tilmaameen madaxda Shabaabka iyo Wadaadadooda.

Xaalada ayaa waxa ay is bad badal badan samaysaba sababtay in wariyahaasi ay raacaan raggii ku Fekerka ahaa Sida Wariye Maxamed Xasan Sugwaa oo loo yaqaanay Al-Faatix iyo C/qaadir Maxamed Rabbaani oo ahaa nin woxoogaa ka yara dabacsan xagga afkaarta marka loo eego raggii Idaacada soo maray.

Markii ay Muqdisho soo gaartay Dowlada KMG ah islamarkaana uu Xubin muuqda ka noqday Daahir Geele Wasiirkii Warfaafinta waqtigaasi ka dib isbadal ayaa idaacada oo dhan ku yimid waxaana ay noqotay meel Cidla ah oo ay ka shaqeynayaan 4-Wariye iyadoo agaasime Xigeenkii Idaacadaasi Maxamed Cabdi Geedi Shiine uu dalka isaga cararay markii ay soo waceen wariyayaasha Shabaabka noqday ee Idaacada ka shaqeyn jiray iyagoo ku Eedeynayay in uu soo qaatay Qandaraas ay idaacada Hirgalinaysay oo ahaa ku magacaabida Dowlada KMG ah “Magaca Dowlada Midnimada Qaran”.

Sidoo kale waxaa idaacada isaga tagay wariyayaal kale oo ka baqay in ay saamayn ku yeelato Ragga Idaacada ka shaqeyn jiray oo Alshabaab noqday iyo Milkiilihii Idaacada oo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxda xiligaasi oo aan lahayn Khibrada saxaafada iyo Hab Maamuleedka.

Gun iyo Gabagabadii Idaacada IQK ayaa marar badan hamiyay in ay yimaadaan oo ay qabsadaan Wariyayaashii ka tagay sida hadaba dhacday waxaana taasi diidanaa raga madaxda Shabaabka ah oo ka baqanayay in ay saamayso maadaama idaacada ay wadato Magac Diini ah .

Waxaana dhacay hadda Wixii la filanayay oo ahaa in ay sharci u helaan Wariyayaashii ka tagay Idaacada oo Alshabaabka ahaa in ay dib u heleen goob iyaga lagu maamuli jiray balse ay hadda iyagu Maamulayaan.

Waxaa si toos ah idaacada hadal uga bilaabay Jibriil Nuur Yuusuf Madaxii Barnaamijyada Idaacada Qur’aanka iyo Xasan Xanafi Xaaji oo hadda Alshabaab ugu qaabilsan la socodka dhaqdhaqaaqa iyo Shaqada Wariyayaasha isagoo qirtay dilka Wariyayaal badan iyo Agaasimayaal Idaacadeed joogtana ka dhigtay handadaada iyo Caga jugleynta Suxufiyiinta.

Waxaa sidoo kale shaqa bilaabay Maxamed Xasan Sugwaay “Al-Faatix” oo ahaa wariye idaacada ka shaqeyn jiray balse dhawaanahan ahaa Wakiilka Idaacada Ondolos Ee Muqdisho islamarkaana ah Milkiilaha Wepka www.Allmuqdisho.com, Ceelbaraf.net, isagoo sidoo kale ahaa ninka wararka ku qora Wepsiteyada Shabaabka sida Kataa’ib iyo Andalusnews,Somalimemo oo magacyo badan uu ugu shaqeeyo.

Waxaa idaacada isaga tagay oo diiday in ay afka shabaabka ku hadlaan Wariye Cabdi Kariin Xuseen Guutaale oo dhawaanahan ku magacaabnaa Agaasime Xigeen,Madaxa Marketing-ka Macalin Jaylaani oo aan la sii arag meel uu jaan iyo Cirib dhigay iyo Ilyaas Da’uud Xasan oo ahaa Tifaftiraha Idaacada oo jawaab la’aan u boqoolay Magaalada Jowhar Iyo Maxamed Cabdi Wahaab Agaasimhii xiligan ee Idaacada IQK oo booska markii laga saaray dib u qaaday Buugaagtiisa kuna Ekaanaya Macalinimadii Schoolada maadaama aanay Xirfadiisa ahayn Saxaafada.

Abdirizak Yusuf “Kampala”

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: