Calendar

Soomaaliya oo ka qeyb gashey shirka heer sare oo arimaha caafimaadka

Shir ay soo qaban qaabisay ururka caafimaadka aduunka (WHO) oo looga hadlayay sidii dhaqaalo loogalin lahaa caafimaadka ayaa ka dhacay magalada Qaahira ee wadanka Masar.

Shirka ayaa waxa kasoo qeyb galay dowlado ka badan 26-wadan kuwaas oo ku jirtey wadanka Soomaaliya oo si weyne looga hadlay.

Cabdullahi Yuusuf Maxamed oo sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha bulshada ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid muhiim ah oo wax badan ka tarayay sidii loo heli lahaa qorshe caafimaad wanagsan, dadka aan dhaqalaha haysan.

“Shirka waxa uu ahaa mid si weyn inoo quseynayay, hadii aan nahay Soomaaliya. guul ayuuna kusoo dhamaaday. waxana filayaa in wax badan ay ka fuli doonaan is afgaradyadii shirka kasoo baxay” Ayuu yiri Cabdullahi Yuusuf.

Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda hormarinta arimaha bulshada ayaa si weyn ugu dadalaaysa sidii loo hormarin lahaa tayada caafimaad ee Soomaaliya oo mid meel hoosa ugu jirta Soomaaliya.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: