Calendar

Tahriibayaal ubadan soomaali oo laga soo badbaadiye xeebaha Talyaaniga

Inta laxaqiijiye 116 Ruux oo sida la sheegay u badan Tahriibayaal Soomaali ay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ka soonbadbaadiyeen Xeebta Siisali.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa waxaa ay shacisay sabtidii ilaa iyo in kabadan 200 oo tahriibayaal ah laga badbaadiyay Xeebaha kala duwan ee dhaca Badda Talyaaniga inay ka badbaadiyeen Ciidamada Badbaada ee iyagu qaabilsan ilaada Xaabaha Talyaaniga.

Tahriibayaashan la badbaadiyay ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin sida ay Wakaaladu sheegtay Kumanaanka Qof ee soo galootiga ah isla markaana ay badbaadiyeen Ciidamada sida gaarka ugu tababaran Badbaadinta Tahriibayaal farabadan oo ku soo qul qula Dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in Tahriibayaashaasi dhamaantoodba la geeyay Xarumo Caafimaad oo sida la sheegay lagu baxnaaniyo maadaama ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan intii ay ku soo jireen Tahriibka islamarkaana ay ugu weyn tahay dhibaatooyinkaasi Haraad iyo Qaajo.

Tahriibayaashan ayaa intabadan waxaa ay biimeeyaan Noloshaada sida ay Wakaaladu xustay iyagoo Nolol wanaagsan raadinaya mana ahan markii ugu horeesay Tahriibayaal Soomaali ah oo ay badbaadiyaan Ciidamada Ilaalada ee Badda Talyaaniga.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now.
« »

Comment: