Calendar

Taliska booliska oo ka hadlay dhaawaca taliyaha ciidamada wadooyinka

Taliska ciidamada Booliska ayaa ka hadlay dhaawac soo gaarey taliyaha ciidamada wadooyinka markii saakay shaqaaqo ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliyaha hogaanka dambi baarista CID ahna afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise oo saxafada kula hadlay isbitaalka Daaru-Shifa uu ku jiro Taliyaha ciidamada wadooyinka ayaa waxa uu sheegay iney dhaawaca u ka dhashey markii shaqaaqo yar ka dhalatey isbaaro laga qaadayay degmada Waabari.

Taliyaha Ciidamada wadooyinka Cali Xirsi “Cali Gaab” ayaa hada xaaladiisa ay wanaagsan tahay isagoona saxafada lahadlayna waxa uu sheegay inuu ku dhaawacmay isagoo u shaqeynayo dalkiisa, taasna uu u dhaartey markii uu ciidamada ku biirayay sida uu hadalka u dhigay.

Magalada Muqdisho ayaa waxa socda howl-galo lagu baabi’inayo isbaarooyinka lacagaha sharci darada looga qaato gawaarida dadweynaha, mararka qaarna dhibaato loogu geysto.

ARAGTIDADA HOOS KA DHIIBO

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: