Calendar

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo booqasho kadis ah ku tagay magaalada Baydhabo

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Jen. Saacid ayaa lagu sheegay safarkiisa inuu salka ku haya sidii kormeer uu ugu sameyn lahaa saldhigyada booliiska ee degmada Baydhabo, wuxuuna la kulmay saraakiisha ciidamada booliiska gobolka iyo kuwa degmada.

Booqashada taliyaha oo aan la shaacin ayaa waxay kadis ku noqotay guud ahaan saraakiisha booliiska gobolka iyo kuwa degmada, isagoo socod kusoo maray qaybaha kala duwan ee magaalada iyo daafahaeeda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, iyadoo taliyuhu uusan tagein halka uu shirku uga socdo waxgaradka iyo aqoonyahannada kasoo jeeda gobollada maamulka sameynaya.

Sidoo kale, waxaa maanta magaalada Baydhabo gaaray ergooyin kala duwan oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa ka yimid, kuwaasoo ay ka jireen ganacsato billaabay inay dhaqaale u ururiyaan shirka maamul sameynta gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo taliyaha booliiska Soomaaliya uu socdaal ku tago Baydhabo tan iyo markii xilkan loo magacaabay, iyadoo magaalada ay ka jirtay xilliyadii lasoo dhaafay falal ammaan-darro oo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: