Calendar

Turkey: Waa in la furaa sunduuq lagu taagerayo ciidamada aamaanka

Dowlada Turkey ayaa ku baaqday in la taagero ciidamada amaanka Soomaaliya, xilli ay joogaan Turkey-ga wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.

Turkey-ga ayaa ku baaqday in la furo sanduuq lacago loogu shubayo ciidamada amaanka si ay dib ugu hantaan amaanka Soomaaliya oo 20-sano ay ka jiren dagaalo sokeeye.

Soomaaliya iyo turkey-ga ayaa gaalay heshiis dhinac yo badan taabannaya oo amaanka ay ugu horeysay taas oo ay magalada Ankara ay ku kala saxiixdeen wasiirada gaashaandhiga ee labada wadan.

Turkey-ga ayaa sheegtey iney horey u taagereysay dib u dhiska Soomaaliya iyo gaar ahaan ciidamada amaanka oo sheegtey iney tababarada iyo dhaqaalaha ay ka taagerayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jooga wadanka Turkey-ga halkaas uu kulamo kula yeeshay madaxda sarsare ee wadankaas oo xiriirka  labada wadan ay ka wada hadleen, kalana saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: