Calendar

Twitter-kii Al Shabaab oo la xanibay [WARBIXIN]

Barta ay ku lahayeen Twitter-ka kooxda Al Shabaab ayaa la xanibay, iyadoona la ogeyn sababta dhabta ah ee ka danbeysay.

AL Shabaab ayaa Twitter-ka kuso biirtey bilowgii Bishii December ee sanadkii 2011-ka markaas oo dagaal dhinaca ticnoolijiyadda al lagalayeen afhayeenka ciidamada Military-ga Kenya.

Major E. Chirchir waxa uu ka hadlayay dagaalo iyo khasaarooyin badan oo u geysteen ciidamadooda kooxda Al shabaab markii ay dhexbartamihii sanadkii 2011-ka gudaha u galeen Soomaaliya.

Al Shabaab waxa ay bilowday in warar ku ladi ah ay soo dhigto barta Twitter-ka halkaas oo saxafada ay bilowday iney ka xigtaan, aragtiyadda dhinacooda ee waxyaabaha ka dhacayo Soomaaliya.

Waxa jirey in Shirkadda Twitter-ka loo gudbiyey in Al Shabaab ay ku xadgudbayso shuruucda Twitter-ka ay leehyihiin oo dad badan ay u dhaaranayso.

Tii ugu danbeysay ayaa waxa ay aheed markii wariye Mareykan-ka ah J.M. Berger uu Twitter-kiisa ku soo qorey
“Hey @Twitter, markii labaad ee todobaad dhexdiisa, @HSMPress (Cinwaanka Al Shabaab) waxa ay sameynesaa khatar galin toos ah oo jibinaysa shuruucda TOS, marka ugu danbeysa, way dilayaan ninka”

Sida muuqata taas ayaa noqotey mid ku qasabtay in twitter-ka ay mamnuucaan cinwaankii Al shabaab ee Twitter-ka ku lahayeen.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: