Calendar

Ururka al shabaab oo rasaaseyey rag dhalinyaro ah oo kubad ku Ciyaraayay

SOMALIA-CONFLICT/

13 June 2011 Ciidamada al Shabaab ayaa gilinkii danbe Ee Shalay waxa Ay Rasaas ku fureyn Rag dhalinyaro Ah oo kubad ku cayaarayay goob barxad Ah oo ku dhaw sal dhig ciidamada al shabaab ee ku Lee yihiin dagmada yaqshiid Ee gobalka banaadir Rasaastaas ayaa waxaa ka dhashay dhimasho Iyo dhaawac.

Inta la ogyahay rasaasta ay furey ciidamada al Shabaab ayaa  waxaa ku Nafwaayay  haweyney Gobtaas ka ag dhaweed iyadoo sidoo kale ay ku Dhaawacmeyn 3 dhalin yaradii kubadda wax ka Cayaaraayay waxaana markii Danbe lala cararayay goobaha cafimaadka gar ahaan isbitaalka dayniile.

Mid ka mid ah dhalinyaradii kubada wax ka Cayaaraayay oo ka badbaaday Rasaastaas ay ku Fureyn ururka al shabaab dhalinyaradaas  ayaa Warbaahinta bartamaha u xaqiijiyay iney ka war Heleen oo qura dhawaqa Rasaasta.

‘Wuxuu yarkaas dhalinyarada oo magaciisa ku soo koobay C/qaadir ayaa Sharaxaad ka bixiyay Sababaha loo rasaaseyay wuxuuna sheegay in aan Marka hore aan digniin lasiinin balse ay Dhorjeer ugu hanjabeen iney firsan Karin lona dulqaadan Karin waxa laga soo manguuriyay Gaalada ay ula Jedeen kubadda cagta .

C/qaadir wuxuu Carabka ku adkeeyay inaan digniin cad aan la siin marka Laga reebo hadalka kulul ay lugu yiri xiliyada ay ciyaarta isku diyaarijireen Sidaas ayuu warbaahinta bartamaha u Sheegay.

Dabledaan rasaasta la begsaday dadkaan rayidka ah ee aan waxba galabsan Ayaa inta la ogyahay Seddex ruux ay ku dhaawcmeyn halka haweneey Gobtaas ka ag dhaweey ay ku nafweysay waxaase La ogyahay iney tahay Falalka ay ku canbeceen ururka al Shabaab dhibateenta Shacabka.

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: