Calendar

VIDEO: Ra’isul Wasaare C/weli Oo Ka Hadlay Kala Aragti Duwanaanshaha Dowladda

Raiisal WasaarahaMuqdisho (BARTAMAHA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shirkaan jaraa’di uga hadlay arrimaha kala ah, kala aragti duwnaanshaha u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, go’aankii ka soo baxay guddoonka Barlamaanka iyo baaq uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed oo la xiriirra sida arrimahan looga gudbi karo.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo ka hadlay sababihii keenay kala aragti duwanaanshaha madaxda ka dhex taagan iyo Mooshinkii dhawaan Baarlamaanka ay u gudbiyeen xubno ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay oo tilmaamo ka bixiyey go’aankii uu soo saaray guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa howlaha Barlamaanka iyo Mooshinkii Xukuumadda laga keenay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey baaq uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed oo uu yiri “ waa inaan u midownaa ilaalinta sharciga dalka u yaalla.
Arrintani ayaa imaaneysa xili uu jiro kala aragti duwanaansho dhanka Siyaasada ah.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
«

Comment: