Calendar

VIDEO: Shir looga tashanayo garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho (Bartamaha) Shirweyne wadatashi ah oo looga hadlayo nidaamka garsoorka, xeerka maxkamadaha iyo dib u qorsheynta hay’adaha caddaaladda ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qayb-galay shirka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Garsoorayaal ka socday Maxkamdaha gobolada dalka,Aqoonyahno khibrad u leh arrimaha Garsoorka, Culimada diinta, Odayaal dhaqeedyo iyo qaar ka mid Ururada bushada rayidka ayaa waxaa maanta magalada Muqdisho ka furay Wasiiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka xukumada Soomaaliya mudane Faraax Sheekh Cabdulqaadir .

Gudoomiayah hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadalay shirka ayaa tilmamay in cadalada daro Soomaaliya ay ka dhaxashay burburka iyo is aaminaad la’aan ismarkaana ,garsoorka wanaagsan looga bixkaro dhammaan dhibaatooyinka Soomaalida maanta haysta.

shir dastuurka

Marwo Maryan Cariif guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka Qaranka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in ay ku tallo jiraan in wax kabadal lagu sameeyo qodobo ku jira Dastuurka ee la xariira arimaha Garsoorka si bay tir laysku wafajiyo qobadda ku qoran xeerka garsoorka dalka iyo Dastuurka qabiyada ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir ayaa tilmaamay in shirkaani yahay shir muhiimad gaar ah u leh dadka iyo dalka Soomaaliya waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay dadka iska dhex milaya ama isku dhex qaseya siyaasadda iyo garsooorka.

Xeer ilaaliha guud ee Qaranka sidoo kula dardaarmay ka galayaasha shirkani looga hadalayo xeerka Garsooorka dalka iyo qorshaha hirgalinta dib u howl galinta hay’adaha cadalaadda in ay ka fogaadaan arimaha shakhsiga iyo gobalaysiga isla markaana ay ka fikiraan oo qura in ay soo garsoor wax tar u leh dadka dalka Soomaaliya.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka mudane Faraax Sheekh Cabdulqaadir oo shirkaasi ka jeediyey khudbad dheer oo kaga hadlayey arrimo la xariira marxaladahii uu soo maray Garsoorka dalka ayaa sheegay in dhamaan bushada Soomaaliyeed looga baahan yahay in kalintooda ka qataan hormarinta garsoorku dhisan cadalaad oo dalkeena yeesho , isagoona rajo wanaagsna ka mujiyey in shirkaani ay ka soo bixi doonaan qodobo tiir dhexaad u ah cadalaada dalka Soomaaliya.

Shirkani ayaa qodobada lagu hadalayo waxaa ka mid ah , xeerka samaynta maxkamada Dastuuriga oo dalka uu yeesho.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: