Calendar

Wadooyinka Muqdisho oo la dhisayo

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhamaan wadooyinka mara magalada Muqdisho la dhisayo, iyadona laamiyo casri ah la saari doono.

Afhayeenka mamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo saxafada la hadlayay ayaa sheegay in 35-KM oo wadoyinka Muqdisho ah la dhisi doono.

Mudadii ay ka socdeen dagalada magalada Muqdisho ee 21-sano ayaa aad u burbureen magalaada Muqdisho.

Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay iney dhisida laamiyadda Muqdisho ay ka taagerayso Turkey-ga oo dhismaha ay ka qeyb qaadaynayso shirkadda TIKA oo Turkey-ga laga leehyaha.

Muqdisho ayaa togag badan leh, waxana lala baxay dhuumihii ku jirey bulaacadaha ee qaadi jirey wasaqda, kuwaas oo loo baahan yahay in dib loo habeeyo inta aan wadooyinka la dhisin.

Magalada Muqdisho ayaa waxa lalla mataaneyay magalada Istanbul iyadoo ay yimaadeen Ingineero Turkey ah kuwaas oo qiimeyn ka sameyay Muqdisho isla markaane go’aan saday in ddib loo wada habeeyo wadooyinka gobolka Banaadir.

Qorshe dib loogu habeynayo magalada Muqdisho ayaa la sameyay tas oo la dhaqan galinayo sanadka soo socda taas oo guud ahaan naqshad cusub loo saarayo Muqdisho, lana hormarinayo wadooyinka iyo jirdiimooyinka ay laheed Muqdisho.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: