Calendar

War cusub:- Horgeynta xukuumadda ee Baarlamaanka oo dib u dhac ku yimid

 

Wararka aan ka helayno xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Mogadishu ayaa sheegayaa in mar kale uu dib u dhac ku yimid qorshihii la doonayay in xukuumadda lagu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Osmaan Jawaari oo la hadlay baarlamaanka Duhur-kii ka hor waxa u usheegay in manta dib u dhac kale uu dhacay maadama ay wafuud caalami ah booqasho ku imanayaan baarlamaanka.

Wafdiga ayaa la sheegin wadanka ay ka imanayaan iyo sababta ay u tagayaan baarlamaanka, balse xubnaha baarlamaanka ayaa hada waxa ay aadeen xilliga salaada duhur iyagoona loo sheegay iney dib iskugu soo laabtaan.

Wixii warar ee kusoo kordha, dib ayaa idin kala soo socodsiin doona, inshalah!

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: