Calendar

War Dag-Dag ah: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Magaaladda Nairobi

breaking-news-bartamaha3

Bartamaha (Nairobi):-Tobaneeyo dad ah ayaa ku dhaawacmay Qarax Banbaano oo ka dhacay Beerta Xoriyada ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Beertan oo dadku u yaqaanan Uhuru Park ayaa ah goobta Qaraxa uu ka dhacay,  haddana waxaa ka socda baaritaan ay sameenayaan Ciidanka Amaanka ee dalka Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhacay dibed bax ay soo qabanqaabiyeen ururada diinta Masiixiga ee ka soo horjeeda dastuurka qabyada ah ee cusub ee Kenya. Iyadoo ay xilligaasi Goob joog ka ahayeen Wasiiro uu ka midyahay William Ruto oo ah Wasiirka Waxbarashada,  saameen badana ku leh Siyaasada dalka Kenya.
Sida idaacada Capital FM ay sheegtay waxaa geeriyooday ilaa 3 qofood halka 79 qof uu dhaawac xun ka soo gaaray Qaraxii goobtaas ka dhacay.

Sababta Qaraxan ka danbeeysa wali lama garan” ayuu yiri Raila Odinga oo ah R/Wasaaraha dalka Kenya oo booqnayay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay oo intooda badan lagu dawaynayo isbitaalka weyn ee Kenyatta Hospital.

Kooxo ka soo horjeeda iyo kuwo taageersan dastuurka qabyada ah ayaa ku kala qabanayay banaanbaxyo balaaran qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka. Ka hor inta aan codbixinta dadka loo qaadin bisha August ee sanadkan 2010.
Inta badan kaniisadaha Masiixiga ah, ayaa ka soo horjeeda dastuurka cusub, sababtoo ah waxa ku jira qodobbo ka hadlaya in ilmaha uurka hooyada ku jira la iska soo ridi karo iyo maxkamadaha qaadiga ee Muslimiinta.

Mid ka mid ah dadkii Qaraxa ku dhaawacmay/ Sawirka AP

Mid ka mid ah dadkii Qaraxa ku dhaawacmay/ Sawirka AP

Wixii war ah ee arrintan ku saabsan kala soco www.Bartamaha.com

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]

Bartamaha, Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: