Calendar

WAR DEG DEG AH: Kooxda Al Shabaab oo Maamul u magacaawday Gobalka Shabeelaha Dhexe.

BARTAMAHA (Muqdisho):-Kooxda Al Shabaab ayaa Goordhaw Maamul Islaami ah uga dhawaaqay magaalada Jowhar Gobalka Shabeelaha dhexe.

Maamul Madani ah ayaa la sheegay in maanta loo sameeyay gobalka Shabelaha dhexe xilli dhawaan ay Al Shabaab Jowhar qabsatay.

Shir Jaraa’id oo uu goordhaw magaalada Jowhar ku qabtay Wakiilka Al Shabaab uqaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Cali Xuseen wuxuu ku sheegay in Waaliga Gobalka loo magacaabay Shiikh Cabdi Raxmaan Xasan Xuseen.

Gudoomiyaha lamagacaabay ayaa isna sheegay in uu guda doono xilka loo magacaabay islamarkaana Xukunka Islaamka wax lagu xukumi doono.

Waaliga Gobalka ee maanta lamagacaabay ayaa kasoo jeeda Beesha Mudulood arrinkaas oo dadku soo dhaweeyeen maadaama aan Al Shabaab looga baran in dadka deegaanka ay xil udhiibto.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: