Calendar

WAR DEG-DEG:- Qarax ka dhacay Jowhar

Wararka aan ka helayno magalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax ka dhacay magalada xilli fiidnimadii caawo ah.

Qaraxa ayaa lala eegtey Xarunta Dalxiiska ee Xaafada Hantiwadaag halkaas oo dagan yihiin saraakiisha ciidamada military-ga ee dhawaan qabsaday magalada Jowhar.

Ciidamada dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa rasaas furey, taas oo la aqoon halka ay la eeganayeen.

Inta la ogyahay wiil yar oo arday ahaa ayaa dhaawac fudud u soo gaaray kaas oo iminka lala tacalayo, iyadoona ilaa hada ay kooban tahay wararka qasaaraha ee soo baxayo.

Ciidamada nabad sugida dowlada Soomaaliya oo shalayto gaaray magalada Jowhar ayaa saakay ka bilaabay howlgalo baaritaano ah taas ookusoo qabqabanayeen dad lala xiriirinayay iney xiriir laleehyihiin kooxda Al Shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonna, inshalah!

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: