WAR DEG-DEG:- Qarax ka dhacay magalada Nairobi [ VIDEO ]

Posted on Dec 5 2012 - 6:20pm by Editor

Ugu yaraan siddeed ruux ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday bambaano oo caawa fiidkii ka dhacay wadada California ee magaalada Nairobi.

Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay abaare 7:00 habeenimo ee caawa xilli ay dad ka soo rawaxay shaqooyinkooda ay marayeen wadada oo ahayd mid shaqo ay ka socotay oo aaney baabuurtu adeegsanin.

Dadka dhaawacmay ayaa saddex ruux oo ka mid ah lagu soo waramayaa inay xaaladoodu culus tahay, waxaana dhammaan dhaawacyada lagu daweynayaa isbitaalka guud ee Kenyatta Hospital.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxay aad ugu dhowdahay goob bakhaar ah oo qalabka lagu xareysto inta badana dadka shaqaalaha xoogsatada ah ay fiidkii dhigtaan alaabahooda.  Waxayna aad ugu dhowdahaysuuqa weyn ee Islii ee ay Soomaalidu ku leedahay magaalada Nairobi.

Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in qaraxa ka dib xiidamada boolisku ay gaareen goobta qaraxa uu ka dhacay iyagoo dhowr ruux halkaasi ka soo qabtay walow aan la ogeyn in dadkaasi ay yihiin Kenyan ama Soomaali.

Taliyaha booliska Nairobi iyi agagaarkeeda Moses Ombati oo goordhow hadlay wuxuu sheegay in weli ay ku jiraan baarista sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa sababay qaraxa oo wararka kala gedisan ay ka soo baxayaan.

Lama sheegin wax saameyn ah oo qaraxa caawa iyo hawlgalka boolisku ay wadaan uu ku yeeshay dadka Soomaalida ee ku nool Nairobi- gaar ahaan xaafada Islii oo bishii hore qalalaaso ay ka dheceen markii qarax bambaano oo baabuur lala eegtay ay ku geeriyoodeen dad ka badan 20 ruux.