Calendar

War Deg-Deg:- QM oo kor u qaaday xubinimada Falastiin [ SAWIRO ]

Golaha loo dhan yahay ee qaramada midobe ayaa u codeyay in Falastiin kor loo qaado kamid ahashaheeda oo laga dhigo wadan aan kamid aheen oo kor joogta ah.

Codeynta ayaa ka dhacday xarunta Qarmada midoobe ee New York halkaas oo 138 wadan ay taagereen iney Falastiin noqoto wadan kor jooga ah, haalka ay Sagaal wadan kazoo horjeesteen, waxana ka maqnaa 41- wadan.

Kumanaan dadweyna ah ayaa iskugu soo baxay Daanta galbeed iyo Gaza kuwaas oo u bannaan baxayo taageradda ay u Madaxweyne Maxamud Cabaas u helay iney noqdaan wadan gorjooga ah.

Soomaaliya ayaa kamid ahed wadamada taageray Falastiin iney hesho guusshaan oo u codeyay iney noqdaan wadan goob jooge ah.

Falastiina ayaa horeyy waxa ay ka aheed wadan goob jooge ah oo aan laheen xaq ay ku codeyso.

Guushaan cusub ayaa waxa ay Falastiin u aqoonsanaysaa wadan leh Daanta Galbeed, Bariga Qudus, iyo Gaza waxana ayy kamid noqon karaan hay’adaha Qarmada midoobe iyo Maxkamada caalamiga ee danbiyadda.

Madaxweynaha maamulka Falastiin oo ka hadlayay golaha loo dhan yahy ka hor codeynta ayaa sheegay in dhibaateyntii Isra;i lee Gaza marka la eego ay tahay in xilligaan ayy Qaramada Midoobe ay aqoon sadaan dhaawacyada loo geysanayo iney dadka mujaahidiinta, caruurta, haweynka iyo raga ay dhibaataysay Isra’il.

“Marka si joogta ah ay dowlada Isra’il u wado siyaasada dhibaateynta ku dhisan iyo danbiyada dagaal ee galayso ee u eg iney sharciga ka sareyso oo aan la xiisabiyen, laguna qaadyn waxa ay mudan tahay … hada aay tahay markii ay dunida si cad u dhihi laheed way dhamaatey Dhibaateeyn, Deegaamaynta iyo dhul balaarsiga” ayuu yri Cabaas.

“Golaha loo dhan yahay, maanta waxa u ssoo gaaray markii uu siin laha shahaadad dhalashada wadan Falastiin ah” ayuu raaciyey madaxweyne Cabaas.

Ron Prosor oo ah safiirka Isra’il ee Qaramada Midoobe oo ka qudbeeyay golaha ka hor codenta ayaa sheegay in Isra’il ay “Isku diyaarinayso sidii nabad kula noolaan laheed wadan Falastiin ah” laakin waxa uu sheegay Iney ka cabaadayaan amaanka uu sheeggay iney muhiim tahay iney kamid noqoto wada hadalada.

“Xilligii Adaxweyne Cabas uu ahaa muuqaalka Dhabta, Xilliga uu usoo socdaalayo New York si u u helo codka Qaramada Middoobe oo aheed inuu u socdaalo Qudus si u galo wada hadalo, rajo walba oo nabad ah waxa ay noqonaysa mid aan laa gaari Karin” ayuu yiri Safiirka.

Binyamin natanyahu, Ra’isal waasaaraha Isra’il, ayaa dhinaciisane waxa uu canbaareyey hadlkii Cabaas uu sheegay “Kuawan ma aha hadal nin doonayo nabad”.

Horey ayaa marki ay sidaan oo kale aay Falastiin u doonaysay iney hesho ogolaansho iney noqoto wadan si buuxa uga mid ah Qaramada Midoobe ayaa golaha Amaanka waxa codka Qayaxan “Veto”-ga ka saaray Mareykan-ka oo hadanee kazoo horjeeday.

Wadamo badan oo midowga Yurub ka tirsan yaa taageray kamid thay Faranssiiska iyo Itaaliya kuwaas oo sheegay iney u codeyeen si ay u sii taageeraan dadalada falastiin ee in loo helo aqoonsi caalami ah.

[slidepress gallery='qm-oo-kor-u-caaday-xubinimada-falastiin-sawiro']

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: