Calendar

War Saxaafadeed: Talo Soo jeedin ku Aaddan dhibaatooyinka ka taagan Deegaannada D & Mirifle

Mudane Guddoomiye,

Mudanayaasha Wasiirada,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyadoo laga ambaqaadayo dhibaatooyinka daba dheeraaday ee ka taagan Deegaannada Digil iyo Mirifle , kaasoo isugu jiray, mid Amni, maamul iyo dhaqaale, ayaa waxaa hadda ugu sii darsamay khilaafaadk mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle dhexdooda halkii ay ka sugayeen isbeddel hormar leh, khilaafaadkaas wuxuu sababay in Deegaannadii amnigoodu soo hagaagayay faraha ka baxaan , dibna ay u bilaabatay qax, gawrac, kufsi nolol xumo bulshada dhexdeeda ah, taasoo maanta halkan lagu soo koobi karinin.

Kadib markaan aragnay hab-dhaqanka mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle oo doorkoodu ahaa in ay ummaddu dhibaatada ka kor qaadaan ayna u horseedaan; MIDNIMO, MAAMUL WANAAG IYO HORMARINTA BULSHADA, ayaa beddelkeeda waxaa soo ifbaxay khilaafaad lama filaan ah oo dhexdooda ah, taasoo ragaadisay guud ahaan wixii ummaddu ku taamaysay .

Kadib markii Dowladda dhexe ka gaabisay Deegaannada Digil iyo Mirifle ee dhinaca;

  • Sugidda Amniga
  • Tayaynta Ciidamada Gobolladaas.
  • Hormarinta Arrimaha Bulshada.

Sidaas darteed, Guddiga Ilaalinta Danaha Koonfur galbeed Soomaaliya markuu isugu yimid shir degdeg ah oo arrimahaas kaga arrinsanayeen ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Taariikhdu ahayd : 22/03/2013. Dood dheer iyo falaqeyn ka dib, si loogu gudbo caqabadahaas kor ku xusan, waxay talo ku soo jeedinayaan qodobadan soo socda:-

  1. Mas’uuliyiinta ay warqaddani khuseyso, waxaan xusuusinaynaa in ay mas’uuliyaddii ay u dhaarateen u gudataan si ALLE ka cabsi ah danihiina gaarka ahna  ka hormarinin danta Guud.
  2. Sidoo kale,waxaan idinkula talinaynaa in si degdeg ah u xalisaan kala qaybsanaanta dhexdiina ah, ummaddana aadan u horseedin burbur iyo baaba’ hor leh.
  3. Waxaan kaloo ku talinaynaa in inta yar aragtidoodu ku biiriyaan aragtida inta badan, taas ayaa  towfiiqdu ku jirtaa.
  4. Dhammaan mas’uuliyiinta ay warqaddani sida tooska ugu socoto, waxaan ka codsanaynaa in mas’uul walba doorka uu leeyahay qaato, ee aysan noqon haddii danteyda la fulin waxba ma soconayaan.
  5. Ciidamada Amisom in tiradoodu la kordhiyo laguna baahiyo deegaannada Digil iyo Mirifle hadba intii suurogal, laguna dadaalo sidii loo tayayn lahaa Ciidamada Deegaanka.
  6. Waxaa kaloo xusuusin mudan in haddii mas’uuliyadda ummadda idiin edmatay u gudan waysaan sida bulshada rabto, tii Rabbi ka sokow waxay noqon doontaa mid la idinkula xisaabtamo, taariikhduna ay xusi doonto INSHAA ALLAH.
  7. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaan si gaar ah ugu codsanaynaa kuna dhiirigelinaynaa in uu la yimaado talo wax ku ool ah oo lagu xalinayo arrimaha murugsan ee Beelaha Digil iyo Mirifle, maadaama uu yahay mas’uulka siyaasadeed ee ugu sarreeya Digil iyo Mirifle maanta, sidoo kale, kala tashado dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku abtirsada Qoowmiyaddan.

 

Gunnaanadkii,

 dhammaan mas’uuliyiinta iyo Siyaasiinta sharafta leh ee fariintaan u socoto,waxaan si xushmad iyo Qaddarin leh uga codsanaynaa kana rajaynaynaa in talo soo jeedinta sare ku xusan fiiro gaar ah u yeelataan; maadaama aad tihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta bulshada gobolladaas ku  abtirsada

Mahadsanidiin

Dr. Yuusuf Cali Maxamed ( Yusuf Afgooy)

Guddoomiyaha KMG ah Guddiga Ilaalinta Danaha D&M

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: