Calendar

WARBIXIN:- Kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynayaasha wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku wada qaatey magalada Nairobi oo uga wada hadleen arimo badan.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u direy casuumad iyadoona uu booqasho maalin qura ku tagay Nairobi.

War saxafadeed ay soo saareen markii ay dhameysteen wada hadaladooda ayaa  waxa lagu sheegay in labada madaxweyne xuseen muhiimadda xiriirka labada wadan iyadoona xusay inuu yahay mid si wada jir ah uga wada faa’ideysanayaan, ayna tahay iney horey usii wadaan heshiisyadii ay horey u wada galeen.

Waxa kale oo xuseen iney muhiim tahay in lasii wado wada shaqeynta dhinaca amaanka ee labada dowladood, iyadoona ay caalamkane lagala kaashanayo.

Mwai Kibaki iyo Xasan Sheekh ayaa ka wada hadley qaxootiga tiradda badan ee Soomaalida ee jooga wadanka Kenya waxana ay isku raaceen iney ka wada shaqeyaan sidii dalkooda dib loogu celin lahaa isla markaane noloshada loogu dhisi lahaa.

Dowrka ay ciyaarayso urur goboleedka IGAD oo labada dal ay isku khilaafsanayeen ayaa ka wada hadleen oo sheegan iney muhiim tahay in la taagero qorshaha xasilooni ku soo celinta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya oo IGAD sameysay taas oo taagereyn madaxweynayasha gobolka.

Xiriirka labada dal ayaa caad badan soo dhex galay tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya sanadkii hore.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: