Wargelin #40 (London) Madaxweynayasha badan ee Soomaaliya ay leedahay, Filin cusub, Wararka

Posted on Sep 13 2010 - 8:31pm by News Desk
Tweet
Pin It

Intro 00104013 b 001Bartamaha — Barnaamijka Wargelin ayaan todobaadkan kusoo qaadanaynaa sida ay dadweynaha reer London u arkaan madaxweynayaasha faraha badan ee Soomaaliya ay leedahay. Sidaad ogtihiinba maamul goboleedyada Soomaaliya mid walba wuxuu leeyahay madaxweyne u gaar ah. Waxaan kaloo kusoo qaadanaynaa waraysi gaar ah oo lala yeeshay C/salam Caato.

Waxaa barnaamijka maanta daadihinaya Cabdirisaaq Kismaayo oo ka mid ah daadihiyaasha Barnaamijka Wargelin. Kismaayo wuxuu inookaga soo tebin doonaa magaalada London iyo dhacdooyinka magaaladaas.