Wargeyska The Enterprise iyo sidii loo soo dhoweeyey (DAAWO SAWIRADA)

Posted on Feb 16 2010 - 5:49pm by News Desk
Tweet
Pin It

APTEN -Wargeyska The Enterprise Newspaper oo ka soo baxa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii labaad soo baxay horraantii bishan Labaad, kaas oo ka koobnaa 32 bog, lagana soo daabacay in ka badan labaatan kun (20,000) oo xabbo ayaa labadii toddobaad ee ugu horreeyey bishan durba aan waxba ka sii ool, waxaana si weyn loo soo dhoweeyey wargeyskan The Enterprise oo durba afhayeen u noqday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalkan Ingiriiska ah, kuwaas oo aan cod iyo cid u doodda toona hore u lahayn; wargeyskani wuxuu ku soo kordhiyey inuu dhiirigeliyo sawirka togan (positive) ee Soomaalida, waxaanu u noqday dariiq ay aqoonyahanku bulshadooda u soo maraan, waxna ugu soo gudbiyaan.

Wargeyskan “walqashiisii durba cunay waaxyaheedii” ayaa la saadaalinayaa inuu muddo kooban gudahood si weyn uga hanaqaado dalkan UK, bulshada Soomaalida ah – ee had iyo jeer xuquuqdooda la duudsiyana u hiilin doono, una noqon doono cod dheer oo ay ku gudbiyaan fariintooda, kuna difaacaan sharaftooda iyo dadnimadooda.

Wargeysku wuxu olole balaadhan ku qaaday inuu bahweynta Ingiriiska ah ka dhaadhiciyo sida ay bulshada Soomaalidu uga mid tahay bahweynta iskugu soo gashay dalkan Ingiriiska (Multicultural Sociaty), ayna hormuud ka yihiin dhanka ganacsiga, tacliinta iyo weliba dhaqanka iyo diintaba.

Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa shakhsiyaadkii caanka ah ee wargeysku gaadhay iyo sida ay ula dhaceen durba quruxdiisa, qoraallada ku jira qoto-dheeridooda, iyo qarada wargeyska oo ka kooban 32 bog “color full” ah, isla markaana si heersare ah loo soo daabacay, waxa ka mid ah dadka soo dhoweeyey siyaasiyiin, suxufiyiin, abwaanno, tafatirayaasha wargeysyada iyo magazine-nada ka soo baxa Qurbaha oo ay mid yihiin wargeyska KASMO, magazine ka SHEEKO iyo Somali Eye iyo  TVga caalamiga ah ee Universal.

Hoos ka daawo sawirada:

8

Caashaluul

Hereri

Jooqle

Nuuradiin

kaluun

Xudaydi

suldaan

dirir

sheeko

Lammaane

gabadh

hamish

wiil

Waxaad wargeyska The Enterprise hadda iyo mar kasta ka akhrisan kartaan mareegtiisa www.enterprisenewspaper.org wixii macluumaad ah ee qoraallo, warbixinno, suugaan iyo xayeysiis ba waxaad ku soo hagaajinaysaan www.aftahan.com | [email protected]