Calendar

Wariyaal ku xayiran garoonka Kismaayo

 

Ilaa 12 suxufi oo shalayto tagay garoonka diyaaradaha ee magalada Kismaayo ayaa ku xayiran garoonka iyadoona loo diiday iney galaan gudaha magalada.

Wariyaashaan oo shalayto ay kaxeeyeen wafdi ka socday dowlada ayaa waxa ay rabeen iney soo tabiyaal shir ay yeelan lahayeen maamulka KMG ee Kismaayo jooga iyo guddi uu soo direy madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud.

Maamulka Kismaayo ayaa la shegayaa iney u diidayn iney wariyaasha gudaha u galaan magalada, waxana ay amreen ineysan garoonka meelna uga bixi Karin.

Diyaradii wariyaasha qaaday ayaa garoonka uga soo tagtey markii ay dib ugu laabanayeen wafdiga iyadoo loo diiday wafdigaas iney gudaha u galaan magalada Kismaayo.

Suxufiyiinta waxa ay iskugu jiraan kuwo ka howl galo idaacadaha gudaha iyo kuwo la shaqeeyo idaacado caalami ah iyadoona ay ku jiraan qaar ajaaniib ah.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: