Calendar

Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah oo ka dooday hindise-sharciyeedka qabyada ah ee saxaafada Soomaaliya

This slideshow requires JavaScript.

Wariyayaal iyo khuburo dhanka warbaahinta ah ayaa ka dooday hindise-sharciyeedka warbaahinta ee ay xukuumada Soomaaliya doonayso inay horgayso baarlamaanka kaasoo ay dajisay wasaarada warfaafintu.

Sharciga cusub ee warbaahinta Soomaaliya la doonayo in lagu dhaqo ayaa ah mid qodabada ku jiraa ay buuq badan dhaliyeen iyadoo qaar kamid ah wariyayaasha iyo dadka u dooda xorriyatul qawlku ay dhaliileen qodobada sharcigaas qaarkood.

Maxamed Abshir Walde oo ah aqoonyahan khibrad u leh arrimaha warbaahinta oo kulankaasi furay ayaa kasoo qaybgalayaasha ku boorriyay inay dhuuxaan qodobada ka hor inta aan sharcigaas la horgaynin baarlamaanka.

Burhaan Axmed Daahir oo isna kamid ahaa khubaradii dhanka warbaahinta ee kulankaasi joogtay ayaa si adag u dhaliilay qodobka 12-naad ee hindise-sharciyeedka warbaahinta kaasoo ka hadlaya anshaxa saxaafada.

Burhaan ayaa sheegay in gudiyada warbaahinta ee wariyayaashu ay leeyihiin looga dambeeyo dajinta shuruucda dhanka anshaxa iyadoo dawladana laga doonayo inay dajiso sharciyada guud ee warbaahinta.

Daawo Wadatashiga oo idil:

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: