read more »">
Calendar

Wariye Cabdi Xareed Cusmaan oo lagu diley Muqdisho

Allah ha u naxriistee, Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo u shaqeyn jirey idaacada Shabelle ayaa lagu diley magalada Muqdisho.

Dilka wariye Cabdi Xareed Cusmaan ayaa ka dhacay duleedka degmada Wadajir halkaas oo kooxo ku hubeysnaa bistoolado ay ku weerareyn ayna u geysteen dhaawac.

Marxuum Cabdi Xareed ayaa dhaawaciisa waxa loola cararey isbitaalka Wayn ee Madiina halkaas uu ku geeriyooday, intii la dabiibayay.

Idaacada uu ka howl galayay ee Shabelle ayaa hawada ka baxday kadib dilka loo geystey wariyaheeda.

Sanadkii lasoo dhaafey ayaa Soomaaliya waxa lagu diley 18 wariye taas oo noqotey tiradii ugu badneed ee wariyaal ee eber lagu diley.

Idaacada Shabelle oo qura ayaa sanadkii hore waxa laga diley Afar wariye halka mid kalane laga dhaawacay.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo saxafada ayaa ka deerinayo xaaladda saxafada Soomaaliya oo noqotey mid aad u khatar ah si joogtane loo beegsado.

Marxuub, wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan ayaa ka tagay Xaas iyo labo caruur ah.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: