Calendar

Warshadii dharka iyo Suufka Ee Balcad oo Xalay la bililiqeystay.

dhabBartamha(Muqdisho):-Waxaa xalay qalab badan laga qaatay dhismaha Warshadii dharka iyo Suufka  Soomali Taxis Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe.

Koox aad u hubaysan ayaa waxa ay xalay u dheceen dhismaha Warshada Soomali Taxis oo muddo 19-sano ah laga badbaadiyay gacanta dadka bililiqada ku caanka h.

Waxaa la xerxeray dhammaan Ilaaladii u soo dhabar adeegay bad-baadinta Warshadaasi iyadoo la galay Xarunta Warshada oo laga qaatay dhammaan qalabkii Muhiimka ahaa.

Qalabka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Matoorkii Dabka ee Warshadaasi Dharka iyo Suufka samayn jirtay kaasi oo muddo badan ay Ilaadaasi dagaal u galeen sidii loo xafidi lahaa oo loo ilaalin lahaa.

Dadka reer Balcad ayaa saaka ka hadlayay sababta keentay bililiqada Dhismaha Warshada la ilaaliyay muddo 19-Sano ah balse Xalay ay rag abaabulan ay u dheceen oo ay qaateen dhammaan qalabkii yaalay halkaasi.

Wax war ah kama soo bixin mamulka Deegaankaasi Balcad oo haatan hoostaga Xarakada Alshabaab iyadoo aan la ogayn xiriirka kala dhexeeya Kooxdii Xalay Warshadaasi qaadatay qalabkeedii muhiimka ahaa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: