Calendar

Wasaarada Arimaha Gudaha oo aqbashay dhaliilo loo jeediyay

Odayaal dhaqameyd kasoo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay dhaliil culus usoo jeediyeen Wasaarada arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka, taasi oo ku saabsaneyd dhanka ammaanka Gobalka ayadoona wasaarado ay ka bixisay jawaab islamarkaana ay aqbashay.

Wasiirka arimaha gudaha Dowladda Fidraalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan Magaalada Beladweyne, ayaa sheegay inay qaadanayaan dhaliisha dhanka ammaanka ah ee Odayaasha Gobalka usoo jeediyeen.

Wuxuu sheegay Mr Guuleed in sideedaba dhaliisha ay tahay mid wax saxeysa aysana aheyn mid wax dumisa sidaasi awgeedna laga rabo qof waliba inuu qaato dhaliishiisa.

Maamulka Gobalka iyo midka degmada ayuu sheegay Wasiir Guuleed inuu uqaadayo dhaliisho loo jeediyay.

Siakstaba Odayaasha Gobalka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay feejignaan la’aan dhanka ammaanka ah oo ka taagan magaalada Beladweyne, maadaama Magaalada ay ka dhaceen Bishan iyo Bishii ka horeysay qaraxyo iyo weeraro qorsheysan oo dad badan lagu laayay.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Warar Kale [ Other News ].
« »

Comment: