Published On: Wed, Dec 5th, 2012

Wasaarada Warfaafinta oo tababarayso wariyaasha

Share This
Tags

Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay iney doonayaan iney tababaraan wariyaasha Soomaaliya.

Isagoo wareysi siinayay idaacada Bar-kulan ayuu Cabdullaahi Ciil-mooge u sheegay iney wadaan qorshe ay saxafiyiinta Soomaalida ay ku tababarayaan iyagoo adeegsanayaan khabiiro saxafada oo ka keenayaan dibadda.

Ciil-Mooge ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dilka wariyaasha lagula kacayo iyadoona sanadkaan la diley 18-wariye, tiro kalane ay noqdeen kuwo la dhaawacay ama barakacay.

Wasiirka ayaa xusay iney wasaradiisa ay ku dadaali doonto sidii wariyaasha nabad galyadooda loo ilaalin lahaa, isagoona ka codsaday saxafiyiinta iney ilaaliyaan anshaxa saxafada iyo shuruucda caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa waxa ay kamid tahay wadamada ugu khatarta badan saxafada iyadoona tan iyo 2007 lagu diley tiro wariyaal ah iyadoona ay aad u badatey wariyaasha qaxaya ee qurbaha aaday. Dhanka kalane hormar badan ay saxafada ay gaarayso oo soo badanayaans saxafada xorta ee wadanka ka howl-galaysa.

Wasiirka warfaafinta Ciil-mooge ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo masuuliyiinta warbaahinta xogta eek a howl-gasha Soomaaliya, si ay u abuuranto wada shaqeyn saxafada iyo wasaarada dhex marta.

 

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

- Mohamed Mascuud is the Editor in Chief of Bartamaha.com and a Contributor to Soomaalo.com. Mascuud is a Young and talented Somali Journalist.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";