Calendar

Wasiir Goodax: ” Saameynta fatahada wabiga Shabeelle waa mid ka xoogan sidii hore”

Goodax_2014

Muqdisho (Bartamaha) Fatahada wabiga Shabeelle oo deegaanno ka tirsan dalka ku fatahay waxaa loo arka inay tahay mid ka saameeyn iyo khasaaro badan xilliyadii hore,sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Goodax oo la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in fatahaada uu webiga Shabeelle ka geysanayo gobollada dalka qaarkood inay tahay mid aad ugu tan weyn sidii hore, isagoo xusay in saddex gobol uu webigu fatahaado kala duwan ka geystay.

“Marxaladu sidii hore way ka duwan tahay,dowladdu waxay ka war-haysaa dhammaan marxaladaha uu webiga ku sugan yahay iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la caawiyo dadka ay abaarta iyo daadadku saam-eeyeen,” ayuu yiri wasiir Goodax.

Dowladda ayaa dhankeeda wadda dadaal ay ku doonayso sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha, si aysan fatahaaduhu u kala xirin gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre waxuu caddeeyay dowladda Soomaaliya inaysan awood u lahayd inay hesho dhaqaale looga hortago fataahada, balse ay caalamka la kaashanayso sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha.

Isagoo ka hadlay gobollada uu sida weyn ugu fatahay wabiga waxuu ku sheegay, Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, isagoo caalamka weydiistay sidii dowladda gacan loogu siin lahaa wax ka qabashada fatahaadahan.

Magaalada Baladweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa xaafaddo badan oo ku yaalla waxaa looga qaxay fatahaadaha webiga Shabeelle uu ku sameeyay, sidoo kalena wuxuu fatahaado ku sameeyay webigu degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xafiiska Bartamaha

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: