Calendar

Wasiirada oo ku sugan Kismaayo, lana kulmayo waxgaradka

Wasiirada Xaukuumada Somaaliya oo tan iyo intii ay soo gaareen magaaladaasi kulamada la qaatay qeybaha kale duwan ee maamulka Kismaayo ayaa manta waxa ay kulamo la qaateen waxgaradka gobollada Jubooyinka iyadoo kulanka looga hadlay qorshaha ku aadan maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo sidii loo dhameystiri lahaa howlgallada Maleeshida Alshabaab looga xureynayo gobollada Jubooyinka

C/kariin Xuseen Guuleed ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya oo kulanka kad hadlay ayaa sheegay in waxgaradka ku dhaqan Gobalada jubooyinka iney ka qeyb qaataan amniga iyo hormarka deegaannadooda islamarkaana ay Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay iney ka hirgeliso qorshe hormarineed Gobollada Jubooyinka .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, C/laahi Ciilmooge Xirsi oo isaguna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ugu talagashay dadka ku dhaqan gobollada Jubooyinka idaacaddo FM ah oo howshooda ay ka socoto magaalada Kismaayo.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: